Qalinkii: Cabdillaahi Cawad Cige
Burka ba miyaannu bahal ka filannay. Doorashadii Maraykan waa lagu ka la tegay. Qoladayadii waa lagu leefay, weli ba sidii Jiifaaga ayaa kob cadaad leh oo jiq ah na loo galay. Sababaha xisbiga Dimquraadiyiintu ku waayeen guul haanta gadaankeeda u saarnayd waa la faallayn, la lafaguri, dhinac walba laga eegi oo aynu akhriyi. Dad aqoonteed iyo agabkeed ba haysta ayaa isku laba rogi. Taasi waa ina daanweyne.
Marka laga tago cadaawaddii madaxweynaha madow loo qaaday ee soo kicisay caddaankii badnaa ee dhirtooda iskaga hoos jiray, waxa aniga doorashadaas Hillary Clinton iiga biniixay cudur ay ina la wadaagaan: qabyaalad.
Waa run, waa na inagaga gobsan yihiin dadka caddaanka ahi(Ilaa imika) inay mabda’ ku raacaan qof/dad aan dirsoocooda lahayn. Waa tii ay Obama ba xukunka ku saareen.
Yeelkeeda ee muusannawgii Donald Trump ee ahaa dalkii la inaga qaad, kii la midka ahaa ee Britain lagaga saaray Midowga Yurub, ka kale ee naagta midabtakoorka ku caan baxday ee National Front dalka Faransiiska u horjoogaha ah, iyo kuwo kale oo dunida ku soo badanayaa waxay wadaagaan dhufsaneyare keli ah: qabyaalad.
Waxa xiiso badan sida dadka waxbarashada dhigtay arrintaas uga feejig yihiin uga na faanaan, kolka laga reebo Soomaalida. Caddaanka Maraykan ee heer digrii aqoontoodu gaadhsiisan tahay waxay u codeeyeen bayaanka ah midnimo dir, diin, af iyo qolo. Kuwa Donald Trump kursiga saaray waxa u badan inta waxbarashadoodu hoosayso.
Arrintan aqoonyahanka qabyaaladda ka xoroobay Soomaalida ku ma badna, lidkeeda waxaad mooddaa ba in qabyaaladda iyo adeegsigeeda Soomaaliga dugsi iyo jaamacad lagu daray uga heellan yahay kii aan wax baran.
Hadba inta bulshada aqoontooda waxbarasho iyo waayo’aragnimada dhaqammada kale le’eg yihiin ayuu dulqaadkooda iyo magangelintooda aadamaha kale na gaadhsiisan yahay.
Midda se la inagu dhaafay, awdaysa goldaloolada iyo taloxumada dadka waxbarashadoodu hoosayso ee Maraykan ka mid yahay waa habka iyo heylkalka maamul ee meel la dhigtay.
Isu eeg Donald Trump fiidkii ka horreeyay codbixinta wuxuu ku hadlayay iyo hadalkiisii kolkii uu guulaystay. Waa ba kan madaxweyne isu dhigay ee af la isugu soo taagi karo iyo sidii qof weyn u hadlay ninkii shalay waallida iyo doqonniimada qornaa.
Waa sababta habmaamulkoodu u raagay, loogu soo hiranayo isla markaa na duunyadooda iyo dadkoodu uga badbaadaan aroor iyo kaliil lagu madho oo joogto ah.
Ummaddu kadmimayso, jabinamayso haddii uu jiro xeer loo dhan yahay, siman yahay oo dabar iyo seeto inta ba u ah wixii la wadaago iyo maamulkeeda. Waad kicin kartaa bulsho arag gaaban ama u dhegonugul sheeko aftahan labawajiile ahi u la yimi, waad na ku muraad gaadhi kartaa sida Donald Trump, waxaanad se dhaafi karin xeerkii la dhigtay oo aan xitaa dhegweyntii meesha ku saartay kaa yeelayn jebintiisa.
In Donald Trump guulaysto ayaa guul u ahayd Maraykan iyo dunida ba, sababta oo ah dadka guushiisa ka dambeeyay oo qabaa’ilkeennii dhegaxidhnaa aan midh kaga duwanayn, isla markaa na guuldarradoodu halis ka weyn guushooda keeni kari lahayd. Waxa se mudan xusuus, in xitaa qabiilkaas dhegaha xidhani og yahay in xilku yahay mid muddaysan oo aan lagu dhegin. Taas qabiilkeennu ma leh, haddii reerkeennu kordhisankaro wuu wadayaa uun tan iyo qiyaamaha.
Halkaas waxa iiga biniixay in dhegoolaha qabiiliga ah ee muusanawga Donald Trump ku soo kacay haddii uu aamminayo in tolla’aydiisu muddaysan tahay ka garasho badiyay aqoonyahankii, waxbarashada kii huwannaa ee inaga mid ahaa ee isagu muddaysigaas xumbo daad qaaday ka dhigay.
Bal malee kolkaas inta aqoonyahankoodii inoo jiro!