Boqor Buurmadow Oo Iftiimiyay In Madaxweyne Siilaanyo Cid Gaar Ah U Cugayo Musharaxnimada Kulmiye
Hargeysa(Hubaal) – Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, oo ka tirsan hogaanka dhaqanka Somaliland, laguna tiriyo dadka xogogaalka u ah siyaasadda xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye, ayaa iclaamiyay in la filayo in Madaxweyne Siilaanyo cid gaar ah u asteeyo musharaxnimada Kulmiye.
Boqor Buurmadow waxa uu sheegay inaanu Madaxweynuhu sharaxnayn “Qoladii Kulmiye way muddeeyeen wakhtigay shirweynaha qabsanayeen. Hadalkii badnaa wuu soo gaabanayaa oo waxaan u malaynayaa oo Odaygiina(Madaxweyne Siilaanyo) musharax maaha,” ayuu yidhi Boqor Buurmadow.
Boqor Buurmadow oo sii hadlaya ayaa sheegay in la filayo in dhawaan madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqo inuu ka tanaasulay musharaxnimadii uu hore u iclaamiyay “ Madaxweynuhu todobaado kadib ayaa la filayaa inuu iclaamiyo inaanu xisbiga musharax ka ahayn. Kolay se waxaanu u malaynayaa inuu meel ku hubsan doono oo uu cid uun dhabarka soo taaban doono,” ayuu yidhi Boqor Buurmadow.
Isagoo sii hadlaya waxa uu farriin kooban u diray xisbiga Waddani oo uu hore u sheegay inuu taageersan yahay siyaasaddiisa “Waddani dhaleecayn loogama baahna iyo dawlad baa waxaas tidhiye ee waxaa looga fadhiyaa dadka wixii lagu kasban lahaa, waxay taagan tahay barnaamijyadii in la soo bandhigo,” ayuu yidhi Boqor Buurmadow.
Haddii hadalka boqor Buurmadow ee ku aadan in madaxweyne Siilaanyo cid gaar ah u calaamadin doono musharaxnimada Kulmiye rumoobo waxaa suuro gal ah in Guddoomiye Muuse Biixi noqdo cidda loo astaynayo maadaama maalmihii u dambeeyay la arkayay sida guddoomiyuhu uga ag muuqday Madaxweynaha, islamarkaana ula qaatay muddada shirweynaha Kulmiye.