“Qolyaha Habar Yoonis inay Beryahaaba buurta Daallo Arab ku warwareegayeen waanu ka war haynaa, laakiin waxanu kaga gam’aynaa annagu…..”Wasiir Qabo

0
115

Kaftan Bilaa Naxli ah Oo Ceerigaabo Ku Dhexmaray Laba Masuul Oo Isugu Manno-sheegtay Buurta Daallo

qabo

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda Qorshaynta qaranka Somaliland Md. Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa kaftan xiiso badan oo la xidhiidha cidda taariikh ahaan ku abtirsata buurta caanka ah ee Daallo la wadaagay guddoomiyaha Maayarka magaalada Ceerigaabo Md. Ismaaciil Xaaji Nuur.

Kaftanka labada masuul eek u saabsan sheegashada Buurta Daallo oo madashii uu ka dhacayey ay goob joog ka ahaayeen xubno kale oo golaha wasiirrada kamid ahi, ayaa si farshaxanimo leh la iskugu tuur tuuray odhaaho aan naxli lahayn oo uu wasiir Qabo si gaar ah ugu duray beesha uu kasoo jeedo guddoomiye Ismaaciil Xaaji Nuur.

Wasiir Qabo, ayaa isagu Buurta Daallo ku tilmaamay mid magaceedu la xidhiidho dhinaca beesha uu kasoo jeedo oo qarniyo ka hor halkaas degi jirtey, balse muddooyinkan dambe ay beesha guddoomiye Ismaaciil Xaaji Nuur si hoose u fadhataysanayso taariikhdaas, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Beryahanba magacii buurta Daallo-arab waa loosoo kuur-kuursanayey oo Cali-warancadde ayaa mar wax ka taagay oo yidhi Isaax Carraa ku aasan, markaa qolyaha Habar yoonis inay beryahaasba buurta ku warwareegayeen waanu ka war haynaa, laakiin waxanu kaga gam’aynaa annagu waanu ka fog nahay buurta, balse niman aanu dhallnay oo deegaanka ah ayaa halkan ah.”

Wasiir Maxamed Ibraahim Qabo, isaga oo kaftankiisa sii wata waxa uu sheegay in beeshiisu ilaalada buurta Daallo kaga tagtay, kuwaas oo xafidaadeeda u heellan, waxana uu yidhi, “Nimanka aanu dhalnay ee Aamina Timo-cad dhashay waxanu leenahay waa inaad Boodh miidhan meel walba ka taagtaan oo aad ku qortaan Buurta Daallo Arab.”

Kaftanka sida naxli la’aanta ah u dhexmaray labadan Masuul, ayaa noqday mid   dhegaha bulshada reer Somaliland si weyn u qabsaday, waxana si gaar ah carrabka loogu ballaadhiyey sida labada masuul mid waliba u difaacay aragtidiisa, iyada oo aanay wax  necbaansho ahi ka dhalanin labada aragtiyood.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here