Hargeyda:(Hubaal)-Hay’adaha garsoorka dalka, ayaa hab dammaanad ah kusoo daayey Agaasimihii Telefishanka Star Md. Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo muddo Toddobaad ah ku xidhnaa xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa.
Cabdikariim Axmed Mooge oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee ku hawlanaa sidii loo sii dayn lahaa qoraa Maxamed Baashe, ayaa warbaahinta qaarkeed u xaqiijiyey in dedaal dheer oo ay galeen ka dib ay u suura gashay inuu xoriyadiisa helo qoraagu.
Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu si gaar ah ugu mahad naqay gudoomiyaha xarunta xuquuqal iinsaanka Guuleed Axmed Jaamac, agaasimaha fulinta ee dallada ururada aan dawliga ahayn ee Sonsaf Maxamed Axmed Barawaani, gudoomiyaha ururka suxufiyiinta somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac “Xuuto” kuwaas oo uu sheegay inay dedaal dheer la galeen sidii uu qoraa Maxamed Baashe xoriyadiisa u heli lahaa.
Qoraa Maxamed Baashe, ayaa xabsiga u galay afkaartiisa oo uu muujiyey awgeed, waxana uu muddooyinkii ugu dambeeyey intii aan la xidhin ka hor ku hawllanaa soo bandhigidda fikrikiisa uu kaga soo horjeeday ciidamada Militeri ee madaarka Berbera laga kireeyey, waxana uu si joogto ah u dalbanayey in arrintaas bulshada laga qanciyo.