Qoraageenna! W/Q. Axmed Cali Maxamed “Nimcaan”

0
50

 

Ma mooddaa in aad arkayso diin afarta lugood laga jaray oo bacaad raba in uu dul socdo. Ama  doon  biyihii ay dulgooshaysay dhulku liqay oo socod awoodi wayday. Ama mashiin baasiin iyo biyo loo diiday oo dhaqaaq laga doonay. Ama geed ban ku yaal oo biyo aanay baryahaa dhifiq ku odhan oo raba in uu aadamaha u soo saaro midho macaan.

 KkkIntaba waxa ka dhigan qoraaga maanta ku nool gudaha dalka Somaliland. Shantii sanno ee u danbeeyay waxa aad u hanaqaaday wax qorista iyo akhrinta, walow  ay aad u yartahay dadka si joogto ah wax u akhriya, se niyada ayay dhalinbadani ka doontaa in  ay ku sifoobaan In ay noqdaan dad waxa akhriya. Arrintaa ayaa aad ugu dhiirigalisay dadbadan  in ay wax qoraan si dadkan maanta soo kacay ay u la jaan qaadaan qoraaladiisa iyo buugta uu soo saaray qoraagu. Qoraaga maanta nool waxa uu suuqa ku arkaa xarumaha buugta oo aad u mashquula,  gaar ahaan tukaamada buugta lagu iibsho, taas ayaa ku sii dhiiri galisay in ay suurto gal tahay in uu helidoono  jeeb fiican, haddii ay suurowdo in laga iibsado buugtiis.

 Intaa waxa ku lifaaqan dhiiri galin aad u wayn oo ay siiyaan naadiyada akhriska ku bahoobay iyo bandhiga carwada buugta ee sannad kasta laqabto, taas oo qofkasta oo soo booqda ku dhiiri galisa bal in uu isku dayo mar uun in uu carwadan kaga qaybqaato buug isaga u gaar ah.

Xaaladahaa oo isriixaya haddana qoraayada qaar waxa uu dheer dhibaatooyin badan oo qaarkood uu isagu isku keenay, qaarnna uu ka dhaxlay deegaanka ku hareeraysan. Aynu ku horayno kuwa uu kala kulmo bulshada iyo dalka uu joogo.

Waxa hormood u ah dhibaatooyinka   uu qoraagu kala kullmo xaga bulshada.

Taageero la’aan: qoraagu waxa uu hadh iyo habeenba u soo jeeda waa in uu wax ka qor dhibaato uu arkay ama wanaagu uu rabo in uu gaadhsiiyo bulshada uu la oolyahay.  Mararka qaarna aad moodo in uu rabo  in bulshada dhammaanteed uu qalinkiisa  macalin ugu noqdo. Hammigaa isaga oo xansbaarsan, haddana waxa uu la kulmaa taageero la’aan. Ma  helo cid ka caawisa waxa uu qoray, iyo  in lala eego oo loo soo akhriyo oo laga saxo qaladaadka higgaadda iyo xarfaha uu ka boodo ama uu dheeraad ahaan ugu daro, ama cid ka caawisa in waxan uu qoray cilmi ahaan loola  eego, taana waxa  sabab u ah in dadka qaar ay hungureeyaan marka uu la soo qaado buug uu goray.

Haddii uu helo cid wax la eegta oo isha soo marisana waxa laga yaabaa in qofka uu u dhiibay ba u iska daalo oo aanu aad ugu hawshoon kadibna uu yidhaah walaahi wax awanaagsan ayaad qortay iyo erayo kale, isga oo aad mooddo in u rabo in ninkani uu wixiisa ka qaato uun.

Haddii   uu ku guulaysto inuu helo saaxiibbo ku tabaruca hawshaa oo taa la qaadaa dhiga, haddana wax meesha timaad in uu aad uga warwaro hawsha daabacaadda iyo qiimaha ku bixi kara. Goobta uu la tagaaba tii kale ka daran oo sidii aynu horeba u soo sheegnay xarumaha wax daabacaa marka ay arkaan qoraa waabay u soo qoslaan. Waxanna aad moodaa in ay ku ogyihiin jeeb fiican waayo waxa ay niyadda ku hayaan In kolay ciddi uun ay maalgalin ku samaysay oo qoraagu lacag uu leeyahay aanu waxba ku daabacayn.

Tanna  waa midda  abuurtay dhibaato kasii daaran tii uu isagu u socday xalinteeeda waana halka uu ka dhaqaaqi waayo qoraagu marka ugu horaysaba.

Heerkaa haddii uu ka gudbo waxa ka hor-imanaysa dhib kale oo ah in aanu helin cid madaxa u ridata hawsha suuqgaynta buugga oo dadka gaadhsiisa. Tan xalbay yeelan lahayd haddii ay jiraan dad baahi badan u qaba In ay soo iibsadaan buug kasta oo soo baxa.

Dhibaatada kale ee uu kala kulmo xaga bulshada waxa ka midda, dadka ka sii dillaala buugta qoraagu soo saaray oo sii dulsaara macaash dheeri ah taas oo keenta in qiimihii buugu labalaabmo. Cidda ugu badan ee gacanta uu u gaalaana waa ardayda dugsiyada ku jirta oo inta badan jeebkoodu aadbuu u hooseeyaa, iyagana qorshaha ugu ma jirto in ay akhriyaan wax ka baxsan buugta manhajka ay dugisyada ku dhigtaan.

Xatooyo:

Dalkeena kama jirto cid ilaalisa xuquuqda qoraalka iyo qoraagga, walow hadda la helay uruurka qoraagga Somaliland oo hadda ku hawlan sidii loo hirgalin lahaa in xataa maxkamad lala galo ciddii xatooyo ku samaysa xuquuqda qoraaga. Waxa badan in dhalitan waxqortaa  marka hore ay boobaan arigtida buugg uu xanbaarsanyahay oo ay haddana leeyihiin waxa aan wax ka qoraynaa waxaas hadhawna uu sheego in uu isagu qoray aragtidana uu iska leeyahay.

Hirgalinta arinkaasi wax waybuu ka tari karaa intaa iyo in kaleba, wax qiimo yeelan doona qoraaga.

DHIBTA UU QORAAGU ISKU ABUURO:

Dhaqaale samayn: Qoraaga maanta jooga marka uu arko dhaqdhaqaaqa buugta afafka kale ku qoran ee bulshadeenu aadka gacanta ugu hayso waxa uu fahmaa qiimaha fiican ee ay leedahay in uu buug suuqa soo galiyo si uu uga helo dakhli wax tara. Isga oo ku qiimaynaya tacabkii ka galay iyo dhibtii ka soo gaadhay waxa markaaba uu saaraa qiime ku culus cidda uu gacanta u galayo(ardayda). Waxa aad arkaysaa buugta ku qoran afka carabiga oo aad loogu iibsado xarumaha buugta, taa waxa caawiyay waa baahida ay u qabaan dadka af-carbeedka  yaqaan iyo tayada uu leeyahay waxa ay ka hadlayaan ee uu ku saabsanyahay buugga ay qoreen. Inta ugu badan buugta ay iibsadaan dadka af-carbeedka yaqaan waa buugta ka hadasha kobcinta qofka iyo barbaarinta nafta aadamaha.

Tayo la’aanta nuxurka buugga: Qoraaga maantu waxa uu aad ugu liita dulqaadka, dulqaadka iyo u dhabr adayga waxa uu qoraagu qorayo waa waxa kaalin laxaad leh ka qaata tayada buugga taas oo u ogolaata in uu helo raadraacyo badan oo uu ku xoojin karo waxa uu rabo in uu  buugiisa ku qoro. Waxa kale oo liidiya tayada buugta afka soomaaliga ku qoran cilmiga ay xanbaarsanyiin oo gaaban ama aanad waxba ka faa’idayn tusaale ahaan dhamaantood waxa ay kawada hadlayaan hal ciwaan oo ah taariikh somalida iyo sheekooyin  oo inta badan ku dhisan aragti iyo sheeko baralay badanakeeda dadku kawada warhayaan.

Waxa yar inta la hali karo buugg cilmiyaysan oo ku salaysan cilmi-baadhis dhab ah haba ahaadto taariikh e. isakabadaa kuwa ka hadla cilmiga sayniska iyo xisaabaadkaba.

Isku qaadka waxa aanu qoraagu aqoon u lahayn: Cilmigu waa ammano, in ammaanada sideeda loo gutaana waa mid muhiimadeeda leh, qoraa da’diisu dhantahay labaatan ama shaniyo labaatan,  oo aan inbadan ka dhargin aqoonta ama aan lahayn dulqaadkii uu ku gaadhi lahaa baadhitaan qoto dheer,  ayaa markaaba waxa uu dooranayaa ciwaan aanu baadhin culayska uu yeelan karo iyo inta ay jiraan raad raac dhab ah oo loo heli karo, aqoontiisanna  aanu waligii dugis u fadhiisan. Tusaale  ahaan qoraagu haddii uu wax ka qoro afka soomaaliga iyo naxwihiisa aanu se waliigii baran cilmiga afafka. Sidee bay suurto gal u tahay in uu aqoon inoo soo gudbiyo.

Xal u helka dhibaatooyinka qoraaga haysta.

Xarunta tarjamada: Qoraagu waxa kaleya ee uu kaga bixi karaa dhibtan hortaagan waxa ay tahay in marka hore uu isu dayo bal in uu   wax soo turjumo. Ama  ay bahoobaan qoraayadu  oo ay curiyaan xarunta turjumida iyo iibgaynta buugta. Xarun noocan oo kale ahi waxa marka hore  ay kor u qaadi kartaa in uu bilaabmo kacaanka turjumidda buugta ee somalida iyo in dadku bartaan cilmi badan  oo ku duugan buugta ku qoran afafka kale, iyaga qoraa ahaanna  waxa ay is arkayaan qoraayo ka xirfad badan oo ka cilmi bada waxbadanna  ay kaga dayan karaan,  kana baran karaan habka wax qorista habboon isla markaana ay ku heli karaan raadraacyo badan oo ay ku tiirsadaan.

Qiime dhimis: ujeedada qiimi dhimistu maha in la helo oo kaliya buug jaban ee waa in uu yareeyo waxa uu saarayo oo judha ugu horaysaba aanu  isku dayin in uu qiime buuran ku baxo. Way fiicantahay haddii aanu waxab saarin ilaa iyo inta la baranayo buugtiisa.

Cilmi-badhis badan: markasta oo ay dheeraato mudada aad ku jirto uruurinta iyo akhrinta iyo baadhida raadraacyada aad soo xiganaysaa waxa ay aad u tayaysaa ciwaanka aad dooratay. Waxa uu qoraagu ka hadlayo haddii uu yahay cilmi saynis ah  waxa uga  sii qurux badan  akhrinta oo kaliya, isaga oo ku dara tijaabooyin dhab ah, oo uu caddeeyo taalbo kasta oo uu qaaday, si  cidda ka daba tagta arinkaa ay u gaadhi karaan markaaba loona ogaado.

Helidda akhriste fiican: hane-qaadkii dugsiyada lagu barto afka carbeed waxa uu laxaad wayn ku yeeshay iibka buugta ku qoran af-carbeedka. Toban sanno markii ay shaqeeyeen ba waxa soo baxay jiil yaqaan afka carbeed. Taa mid la mida haddii ay yaraadaan dadka akhriya af-soomaliga waxa dabar go’aya buugta afka somaliga ku qoran,Iibkooduna dhaqaaqi maayo.

Si taa looga badbaado waa in marka hore la sameeyaa akhriste fiican. waxa taa lagu heli karaa waa in laqaado olole lagu kobcinaayo akhriska buugta afsomaliga iyo bixinta tababaro ku salaysan habka fiican ee wax loo akhriyo taa macnaheedu waa soo saaridda buug tilmaamaysa habka wax loo akhriyo,  wax loo soo gaabiyo IWM.

Axmed Cali Maxamed “Axmed-Nimcaan”

Email: md_ahmedcl@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here