Aabaha Dilka Geystay Oo Carruurtiisa Mooday Cadow Soo Weeraray Xilli Uu Goob Dhufays Ah Kaga Jirey Gaadaha
Qorilugud:(Hubaal)-Dhacdo murugo leh, ayaa habeen hore oo ay bishan January ahayd 11, ka dhacday deegaanka Laan gargaroley oo u dhaxaysa aagga Coodanle iyo Xadho-dhanka ee gobolka Buuhoodle, kadib markii uu Aabaha qoys halkaas degenaa si aan ku talo gal ahayn rasaas ugu dilay gabadh dhallinyaro ah oo uu dhalay, mid kalena dhaawac ku gaadhsiiyey.
Wararka dhacdadan ku saabsan ee nasoo gaadhaya, ayaa sheegaya in aabaha qaddarkani ku habsaday oo lagu magacaabo Cabdilaahi Jaamac Ismaaciil Uu reerkiisu yaallay goob colaad u dhaxaysa laba beelood ka oogan tahay, isla-markaana uu gurigiisa ka maato-baxay, ka hor intaanu dilka geysanin.
Aabahan oo goob uu gabaad ahaan uga galay col soo gaadeeya xilliga habeenkii, ayaa goor fiid ah oo aanu weli gamin meel aan sidaas uga fogayn ku arkay muuqaal dad agtiisa maraya oo dhinaciisa kusoo socda, waxana uu mooday cadow naftiisa weerar ku ah, isaga oo rasaas degdeg ah oodda kaga qaaday.
Rasaasta uu aabahin furay, ayaa haleeshay gabadh da’deeda naloogu sheegay 16-jir oo uu dhalay oo isla goobtii ku naf baxday iyo weliba mid da’ ahaan laba sano ka yar oo uu dhalay oo dhaawac aad u fududi soo gaadhay.
Jaah-wareer badan oo rasaastaas ka dhashay, kadib oo ay sabab u ahaayeen xilliga oo habeennimo ahaa iyo goobta oo meel cabsiyeed ahayd, ayaa mar dambe la ogaaday in cidda rasaastu ku dhacday tahay ubadkii qoyska oo dhimasho iyo dhaawac ah, waxana magaalada Coodanle uga gurmaday ciidan dadka deegaanka ah, kuwaas oo meydka iyo dhaawacaba qaaday, isla-markaana la tacaalay aabihii qoyska oo dhacdadu saamayn ku yeelatay.
Meydka gabadha qoyska ka dhimatay, ayaa maalintii shalay lagu aasay magaalada Coodanle, waxana inanta kale ee dhaawaca ah loo qaaday dhinaca Burco oo haatan lagu dabiibayo.