Qormadeenan maanta oo ah tii labaad ee aanu ka qorno boobka hantida ummadda ee qoyska madaxtooyada iyo naasnuujinta xubno qurbo-jooga oo ku nool dalka Norway, waxaanu ku soo qaadanaynaa warbixin ku saabsan Lacagta 2%-ga ah ee laga jaro sanad walba miisaaniyada dalka, looguna talogalay horumarinta gobolada bari, khaasatan gobolka Sool oo la musuqmaasuqo lana lunsado iyo doorka uu ku leeyahay Axmed Cawad Ismaciil oo ah Qurbo- joog degan magaalada Oslo ee dalka Norway.
Warbixin:
Maxay tahay lacagtaasi 2%-da ah ee loogu talogalay gobolada bari?
Waa mashruuc horumarineed oo golaha wakiiladu ansixiyey, soo jeedintiisana ay lahayd xukuumaddii tan ka horeysay. Ujeeddada laga lahaana ay ahayd horumarinta gobolada bari ee kobcinta baahiyaha bulshada sida: Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Nabadaynta iyo isdhexgalka bulshada. Gaar ahaan gobolka Sool oo aad uga dambeeya gobolada kale ee Somaliland loo soo gaadhsiiyo.
Haddaba, Mashruucan kabka gobolada bari waxa dhawrkii sanno ee ugu dambeeyey maamulkiisu uu hoos imanayey xarunta madaxtooyada siiba qoyska madaxweyne Siilaanyo, waxaana laga leexiyey dariiqii loogu talogalay oo waxa loo isticmaalay dano gaara oo ay fuliyeyaal ka yihiin wasiirka madaxtooyadda Xirsi X. Cali, Guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Baashe M. Faarax iyo xubintan qurbo-jooga ah ee Axmed Cawad Ismaaciil.
Labada masuul ee wasiir Xirsi iyo Baashaha Baarlamanku waxa hawshoodu ku kooban tahay gudaha, balse Marwo Aamina Weris ayaa gaar ugu xulatay qurbaha ninkan (Axmed Cawad) iyada oo leh waxa uu aqoon fiican iyo xidhiidh-dhaleeyo la leeyahay dadka dega gobolkaas, waxaanay u xilsaartay furfurka iyo soo xero gelinta shakhsiyaadka ka soo jeeda beesha Dhulbahante ee ku nool qurbaha. Waxaana sifahan lagu lunsadaa lacag aad u fara badan oo ka mid ah lacagtaas 2% ee kabka ah iyada oo lagu sheego in lagu bixiyo tigidho diyaaradeed iyo kulamo qarsoodi ah oo lagu soo xero gelinayo qurbo-jooga beeshaas.
Geesta kale, haddii aynu inyar isdultaagno ninka waxan oo hawl musuqmusaaq la wadaagaya qoyska madaxtooyada ee qormooyinkeenan udub dhexaadka ah u ah waa Axmed Cawad’e.
Axmed Cawad waa nin ku jira cimriga dabayaaqada sanadaha lixdameedyada, degan-na dalka Norway ku-dhawaad labaatankii sanno ee ugu dambeeyeyna qaadanayey lacagta hawlgabka dadka xanuunsanaya ee aan qaban karin wax shaqo ah. Haddana ahna ah…maamulaha dahabshiil ee dalka Norway ee haddana ahna ah…wakiilka ku dhex-jira intaas oo mashruuc oo qoyska madaxtooyadu ay ku lunsanayaan hantidii ummadda. Su’aasha isweyndiinta mudani waxay tahay isaga oo da’dan ah xagguu usii xoolo uruursanayaa, goorma ayuuse xoolahan booliga ah manaafacaadsan doonaa??????????????????
La soco qoraalo kale oo ay kamid yihiin…………………..
-Boobka Dhulka.
-Tvga Qaranka.
-Qandaraasyada Ciidanka.
-Mashaariicda Dahabshiil.
– Iyo kuwo kale………..
Xafiiska Dabagalka Musuqmaasuqa
Ramaasnews.