Qorshe Saddex Geesood Ah Oo Xukuumadda Iyo Shirkadaha Ganacsigu Kor Ugu Qaadayaan Qiimaha Shilinka Somaliland

0
49

Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, Hawaaladaha Lacagta iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka ka hawl gala, ayaa kulan ay isgu yimaadeen shalay Huteelka Maansoor, waxa ay iskula qaateen qorshe lagu doonayo in isticmaalka lacagta Doolarka ah meesha lagaga saaro oo isticmaalka Koowaad ee wax lagu kala iibsado lagaga dhigayo Shilinka Somaliland.

beenk

Kulankan oo ay ka qayb galeen Wasiirada Maaliyadda, Qorshaynta qaranka, Ganacsiga, Baanka Dhexe, Ururka Xawaaladaha iyo Shirkadaha Isgaadhiisnta ee Telesom qaybteeda ZAAD iyo Dahabshiil Group qaybteeda E-dahab, ayaa waxa lagu go’aamiyey in lacagta shilin ka somaliland ay noqoto isticmaalka koowaad, waxaanay halkaasi Ururka Xawaaladahu ku ballan qaadeen inay kala badh lacagaha dollarka ee loogu soo diro dadka ay shilinka somaliland ku siin doonaan, halka ay shirkadaha E-dahab iyo Zaad-na ay ku shaaciyeen wakhtiga ay bilaabayaan in adeegyadooda lagu isticmaalo Shilinka Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Baanka Somaliland C/laahi Xasan Aadan oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay ku hawlanaayeen muddooyinkii u dambeeyey sidii shilinka somaliland loo isticmaali lahaa ee looga dhigi lahaa midda koowaad, waxaanuu yidhi “Waxaa inmudaaba socotay sidii kor Looguqaadi lahaa Lacagta Shilinka Somaliland, shilinka Somaliland waxaanu wada ognahay in uu yahay lacagta uu sharcigaa ee ay tahay in uu dalkani ku shaqeeyo, oo waxaa in mudaaba ka socotay xafiiska Guddoomiyaha Baabka iyo xafiiska Wasiirka Maaliyada shirar isdaba jooga oo laga ga hadlaayay sidii kor loogu qaadilaha lacagta shilinka Somaliland waxaa lama huraana in lacaga shilinka Somaliland ay noqoto mid saraysa oo wax walba ka saraysa, dawladu waxay u ruurisaa cashuur waxa ay kubixiso ee u badana waa musha haraad iyo amniga markaasi hadii uu shilinkii qiimo yeelan waayo oo uu ugoyn waayo shaqaalihii iyo ciidamada intii loogu talogalay waxaa dhacaysa mushkilad hadafka aanu leenahay ee aanu habeen iyo maalinba u soo jeedna waa in aanu halkaasi gaadhsiino”

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi  “Kulankan aynu maanta iskugu nimi u jeedadiisu waxaa weeye sidii loofadhiisin lahaa sixirka  shilinka Somaliland waxaa laga yaaba in la iswaydiiyo maxaa looga baahan yahay in lafadhiisiyo sixirka shilinka Somaliland waxaa u baahan xawaalad,sariflayaal ninka xawaalad jooga waxa u u baahan yahay haduushalay Dollar iibiyay lacagti Somaliland ee la siiyay in ay dollarkisi u iibin karto oo aanu ku khasaarin lacagti qofka mushar ku qaata Somaliland waxa uu u baahan yahay in ay ka fayso noloshiisa xawaaladuhu maanta meel adag ayay kaga jiraan nolasheena maanta hadayna xawaalada heenasi ayna isku xidhayn keena dibada ku maqan iyo kadalka gudihiisa jooga maanta may jirteen nolosha ay ku noolyihiin dadka ku xidhan eleladasi maantana waxaa ilaahay mahadiiya in ay nala qaateen in ay lacagta shilinka Somaliland kor looqado”

Guddoomiyaha Baanka Somaliland C/laahi Xaaji Jaamac Cali oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi  “Waxaanu isku afgaranay qolada Zaadka, E’dahabka iyo xawaaladahaba in lacagta shilinka Somaliland lagadhigo 15juun in lahirgaliyo anaguna waxaanu diyaar u nahay in wixiidhibaata ee idin ka hor imaada aanu idinla garab istaagno dadkana waxaan ogaysiinaynaa in dadka loosodiro lacagaha ay 30% ay kuqaadan doonaan lacagta shilinka Somaliland waxaa kale oo shacabka u soo jeedinaynaa in aanay xawaaladaha wax buuqa ku samayn oo sidaa la’isku afgarteen xukuumada iyo shirkaduhu”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna halkaasi ka hadashay, ayaa waxa ka mid ahaa hadaladeedii  “Maanta waxaa farxada in inaga oo isku dana aynu halkani aunu wada fadhino inaga oo umadeena u tuudhayna oo sixir bararkaa ku yimi ee saameeyay maciisha doodi dadka qurba joogu waa dad ilba oo aduunka wax ku bartay oo garan kara horumarka ay lacagtoodu u leedahay wadan kooda oo jecel in wadan koodu horumar gaadho, qolooyinka xawaalada ha aad ayaan ugu mahad naqayaa maanta iyaga ayaa wadan kooda bad-baadiyay oo ka hortagay sixir bararka ku yimi lacagta Somaliland oo maanta la isla qaatay in 15juun lahirgaliyo go’aanka ah in lacagta shilinka Somaliland 30% lagu siiyo qofka anaga ka xukuumad ahaan lacagta nooso xaroota waa lacagta shilinka Somaliland hadii aanu hawshan dhaqan galino oo looxi iyo sibidhkiiba lagu iibinaayo lacagta shilinka Somaliland uma baahanayo qofkaasi in uu lacagtii dib u sarifo”

Sarkaal ka socday Shirkadda Telesom, gaar ahaan Adeegga ZAAD oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa shaaciyey inay qaateen go’aanka xukuumadda oo ay bilaabayaan in adeegaasi lagu isticmaalo lacagta Somaliland, waxaanuu yidhi  “Mashruuca waxay shirkada Talesom qaybteeda Zaad Serves waxay ku dhiiri galinaysaa shacabka in shilinka Somaliland la’isticmaali karo oo marka hore caqabadaha hortaagan ay kamid ahayd in culays dadku kadareemayay qaadashada lacagta shilinka Somaliland haatan wixii intaasi ka danbeeyana ay dadka u fududaan doonto laga bilaabo horaanta bisha juuna ay lacagtooda shilinka Somaliland ay ku qaadan karaan adeega Zaadka ama acconn koda Zaad Serveska taasina waa mid dhiiri galinaysa in dalka aad looga isticmaalo lacagta shilinka Somaliland”

Masuul u hadlayey Ururka Xawaaladaha lacagta ee Somaliland oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay ballan qaadayaan in lacagaha dadka loogu soo diro xawaaladaha ay qayb ku siin doonaan shilinka Somaliland, isla markaana ay dhowaan bilaabayaan, waxaanuu yidhi  “Dawlada,ururka xawaaladaha,Bangiga iyo dhamaan haayadaha ka shaqeeya lacagaha waxay isla afgarteen in bisha soo socota ee Juun 15keeda  in ladhaqan galiyo go’aamadan oo ah in 30% dadka loosodiro lacag jawga lagu siiyo lacagta shilinka Somaliland intaasi ka hadhayna dadka la ogaysiiyo in xukuumada iyo xawaaladuhu ay sidaasi isku afgarteen sidii kor loogu qaadi lahaa lacagta shilinka somaliland”

Mid ka mid ah masuuliyiinta Shirkadda Dahabshiil Group, gaar ahaan qaybta lacagta Mobilka lagu isticmaalo ee E-dahab oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay iyagu bilaabeen in adeegga E-dahab lagu isticmaalo shilinka Somaliland oo ay tijaabiyeen, waxaanuu yidhi  “Aad ayaanu ugu faraxsanahay in ay isku yimaadan intii ka shaqay naysay lacagtu oo ay kaga tashanayaan sidii ay umeel marin lahaayeen lacagta shilinka Somaliland markasta oo kor u kac ku yimaado lacagteena waxaa waajiba in qofkasta oo ka shaqeeya lacagtu uu qaybtiisa ka qaato kashirkad ahaana waanu soo dhaway naynaa go’aankaasi oo in aanu lashaqay nana diyaar ayaanu u nahay go’aankaasi ay xukuumadu soo jeedisayna hadii aanu nahay shirkada Somtel Gurop qaybteeda E’dahabka waanu qaadanay waanaanu fulinay naa ka shirkad ahaan”

Shiradda Teleson, ayaa iyadu ballan qaaday inay  1- bisha June ee foodda inagu soo haysa ay bilaabi doonaan isticmaalka adeegga ZAAD ee shilinka Somaliland, halka ay shirkadda Dahabshiil-na sheegeen inay si rasmi ah u bilaabeen in adeegga E-dahab lagu isticmaalo shilinka somaliland, iyada oo ay dhowaanna ballan qaadeen ganacsatada dalku inay wax ku iibin doonaan lacagta somaliland.

Qorshan lagu doonayo in isticmaalka koowaad ay noqoto lacagta shilinka somaliland, ayaa in muddo ah soo socday, isla markaana kulamo kala duwan oo ay yeesheen masuuliyiinta Baanka, wasaaradda Maaliyadda iyo shirkadaha kala duwan ee Xawaaladaha iyo isgaadhsiintu lagu guulaystay in isticmaalka koowaad laga dhigo shilinka somaliland, sida uu dhigayo qodobka 32 -aad ee xeerka baanka ee ay golaha wakiiladu ansixiyeen, kaas oo ugu dambayn noqon doona is dalka lagu isticmaalo oo keliya lacagta somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here