Qowlaysato Ka Dilaacday madaarka Hargeysa iyo lacago Malaayiin ah oo lagu Lunsado. By:Ayaan Maxamed Cali

0
32

Qaybtii 1 aad:

madaarkaSida ay dad ka dhoofayey maraarka hargeysa sheegeen  nin magaciisa lagu sheegay Mukhtar Cabdi Xasan oo shaqooyin badan ka haya madaarka hargeysa,waana nin la shaqeeya shirkada lagu magacaabo NASHA iyo SHIRKADA ETHIOIPIAN AIRLINE ,waxa uu inta badan ku shaqlan yahay in uu meeshaasi madaarka ah ku dhibo dadka rakaabka ah ee ka dhoofaya ama ka soo degaya,wuxuu ku sahqeystaa wax kasta aniga ayaa idiin fududaynaya ee iska bixiya lacago lagu magacaabo xaqul safar.

Madaarka hargeysa oo u eeg meel ay ka dilaacday qowlaysato uu hor kacayo wasiirka duulistu ayaa waxa hada soo baxaya fadeexado hor leh oo ku saabsan sida loo lunsado lacagaha badan ee shacabka lagaga dhaco madaarka hargeysa.

 

Maamul xumida ka jirta madaarka hargeysa ayaa sabab u ah in nin kasta waxa uu doona ka sameeyo madaarka hargeysa,iyadoo uu wasiirka duulista hawadu maxamuud xaashi cabdi uu horsed u yahay musuq maasuqa baahsan ee halkaasi sida xawliga uga socda,iyadoo sifo sharciga ka baxsan lacago kala duwan looga qaato dadka rakaabka ah ee ka dhoofa ama ka soo degaya madaarka hargeysa iyo ka berbera labadaba.

Daraasad la sameeyey ayaa shaaca ka qaaday in madaarada aduunka dhan ugu qaalisan yahay madaarka hargeysa iyo berbera,muwaadin adintaasi hadii ay kula noqoto mida iska yidhi adiga laftigaagu soo baadh kadibna soo bandhig madaarka aduunyada ugu qaalisan lacagaha laga qaado dadka rakaabka ah ee dhoofaya ama soo degaya.

 

Hadaba iyadoo markii horeba wasiirka duulista oo kaliya shacabku ka cabanayeen ayaa hadana waxa soo baxay dad kale oo iyaga laftigoodu ka shaqeeya madaarka oo la soo baxay dhaqano fool xun oo ka baxsan kuwa dawladnimada oo tusaale ahaan ninkan lagu Mukhtaar Cabdi Xasan waxa uu ka sameeyo madaarka hargeysa hadii aad aragto yaab ayaa ku dili,waa nin qaabilsan dhinaca baasaaboorada bugta ah iyo iibintooda waa nin ku shaqaysta magaca wasaarada duulista oo waxa uu shaqo ka dhigtay in dadka rakaabka ah ee dhoofaya ama soo degaya lacago sharci daro ah ka urursado isagoo u sheega in madaarka wax loogu qabanayo lacagtaasi,meeshan madaarka oo sida caadiga ah lacago umada lagaga urrusado aaya cid kasta u soo dhigatay rakaabkii diayaradaha ee ka dhoofayey ama ka soo degayey madaarada dalka sida kal caalamiga ah ee Cigaal International Airport iyo kan Berbera.

 

Si kastaba ha ahaatee waa ceeb inteeda leeg fadeexadahan ku hoganaya madaarada dalka,in wax laga qabtaana waxay u taalaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo in uu wax ka qabto mushkilada madaarada dalka haysata,waayo madaxweynuhu isagaa ayaa dalka hogaamiya oo hadii meel ka mid ah xumaato sumcadisii ayaa xumaanaysa oo waxa soo baxaysa in uusan waxba ka qaban Karin xitaa meelaha ceebtoodu muuqato sida madaarada dalka Somaliland oo kale.

 

By:Ayaan Maxamed Cali

Email:ayaanladan@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here