Hargeysa (Hubaal) Xubno ka mid ah Mujaahidiinta SNM ayaa Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ka codsaday inuu wax ka qabto 24Qoys oo danyar ah oo lagu qabsaday Dhulkii ay deganaayeen. Mujaahidiintan oo warqad cabasho ah u qoray Madaxwaynaha waxay sheegeen inay Cabashadoodani tahay tii ugu dambaysay ee ay u dirayaan Madaxwaynaha Somaliland. Iyagoo Waraaqdana ogaysiin ahaan ugu socodsiiyey Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka arimaha gudaha iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland. Qoraalkaasi oo dhammays tiran, ayaa ah sidan hoosta ku qoran:
Mudane Madaxwayne,
Anagoo ixtiraam iyo sharaf kuu hayna waxaanu halkan kuugu soo gudbinaynaa cabasho in muddo ah warkeedu jiray oo aanu si toos ah iyo dadbanba kuugu soo gudbinay. Waana markii ugu dambaysay oo aanu Codsigayaga cabashada ah kuu soo gudbinayno. Waana sidan hoos ku xusan:
Mudane Madaxwayne, Cabashadayadu waxay ku salaysan tahay Dhul ku yaal Xaafada shacabka , agagaarka Dhakhtarka wayn. Dhulkan waxa degan 24 Qoys oo ah Mujaahidiintii SNM iyo Agoomahoodii. Waxaanay halkan deganaayeen 24kii Sanno ee ugu dambeeyey. Waxana goobtan uga dhisan guryo dhagax ah, Sandaqado iyo Buulal.
Taariikhdu markay ahayd, 27ka Bisha April, 2012kii, ayaa Maxamuud Axmed Dhool-dahable ka iibsaday mid ka mid ah qoysaskii halkaa deganaa dhul cabirkiisu yahay (19M x 33M) sida ku cad qoraalka nootaayada Sh. Madar ee sumadeedu tahay NSHMN/105/04/2012 wuxuna dhulkuu iibsaday ka dhistay dhisme Ganacsi, cid ku haysataana ma jirto. Reer dhool-dahable, Laba Sanno iyo badh ka dib, halkii ay hore u iibsadeen iyo 24 Qoys oo la jaar ahba ayaa yidhaahdeen waa nala siiyey. Warqad baanay la yimaadeen. Arintaasi oo isku kaaya qaban wayday, inay yidhaahdaan waa nala siiyey intaanu iibsanay iyo dhul wayn oo ay degan yihiin 24 Qoys oo halkaasi jaar la ah. Intaa ka dib, reer Dhool-dahable waxay bilaabeen iyagoo adeegsanaya awood dhaqaale iyo Warqadan ay ku sheeganayaan in lagu siiyey dhulkaasi ayay isku dayeen inay barakiciyaan qaybo ka mid ah Dadkii deganaa dhulkaasi. Iyagoo awooda Qaranka u adeegsanayana ku fuliyeen hawl-gal lagu burburinayo qaybo ka mid ah xaafadaasi, taasi oo aanu u aragno inay tahay sifo khaldan, waxana ka dhashay isku dhac. Iyadoo arintaa darteed loo xidhay 7 Qof oo ah Maati, Haween iyo Caruur. Waxana dadkaasi lagu eedeeyey is hortaag shaqo. Saamaynta arintani keentay waxa ka mid ah Hooyo iyo Seddexdii Caruurta ugu waynaa iyo Aabahood oo xidhan , caruurtii yar yaraydna gurigoodii ku dayacan yihiin. Mudane Madaxwayne, waxaanu aaminsanahay Maxamuud Axmed dhool-dahble inuu yahay Oday Halgamaa ah, mudan yahayna in wixiisa la siiyo, laakiin, aanu mudnayn in wax siintiisu ay noqoto meel Mujaahidiinta SNM, Agoomaha SNM iyo dad jilicsani degan yihiin la dul dhigo. Mudane Madaxwayne, waxaanu u aragnaa inay caddaalad darro ka jirto meelahaasi, laguna gafayo xaqii Muwadiniintaasi oo ah Mujaahidiin iyo agoomahoodii. Taasoo keentay in 24 Qoys loo burburiyo danta hal Qof. Mudane Madaxwayne, waxaanu mar labaad si xushmad iyo qadarin leh kaaga codsanaynaa in aad arintaasi wax ka qabato.