Md. Saylici Iyo Marwadiisa Oo La Sheegay In Ay Ballanqaadeen Nolosha Labadan Carruur ahi Inta cimrigooda Ka Hadhay
Hargeysa (Hubaal) – Madaxweyne-xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil (Saylici) ayaa la sheegay inuu kafaalo qaaday nolosha laba caruur ah oo reerahoodii ku dhinteen waxyeeladii dabaylaha Sagar ee ee saameeyey deegaanada galeebdka dalka. Labadan caruurta ah oo dhamaan waalidiintood iyo caruurtii ay walaalaha ahaayeen ku dhinteen daadadkii dufaanada sagar kiciyeen ayaa la sheegay inay ku noolaan doonaan guriga Madaxweyne-xigeenka JSL Md Saylici, isla markaana noloshooda iyo waxbarashadooda ay kafaalo qaadeen.
Warka labadan caruurta ah ayaa markii hore la ogaaday xaalada wiilka Ibraahim. ayaa xogo wargeyska Hubaal heshay lagu sheegay in Madaxweyne-xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Saylici, dalbaday in loo keeno si uu noloshiisa u kafaalo qaado, ka hor intaanay soo bixin go’aankii xukuumadu ku sheegtay inay kafaalo qaadayso noloshiisa.
Sidoo kale warka inanta oo la ogaaday maalin ka dib ayaa la sheegay in Marwada Madaxweyne-xigeenka JSL Raxma Xaaji Muxumed Suldaan dalbatay in loo keeno, taasoo ka dhigtay in labadii ubad ee dhamaan reerahoodii ku waayey aafadii duufaanada deegaanada Galeebdka, dib u heleen qoys kafaalo qaada noloshooda, qeybna ka ahaan doono aqalkan.
Arrinkan ayaa noqon doona talaabo ku deyasho mudan, isla markaana noqon doonta mid lagu xusuusto taariikhda Madaxweyne-xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Saylici iyo Marwadiisa Raxma Xaaji Muxumed, kaalinta ay u buuxiyeen labadii ubad ee Ilaahay dib u oofsaday dhamaan waalidiintood iyo walaalahood. Ilaahay haka abaalmariyee.