Shareecada Islaamku waxay ina fartay inaynu siyaaranno xabaalaha, sida ka sugnaatay nebigeenna Muxammed (cs), taas oo micnaheedu yahay in lagu cibro qaato, loona xasuusto
macaan gooyaha (geerida). Haa, waa in qof kastaa xasuusto inuu gali doono meel aan dib looga soo noqonayn, lana kulmi doono saddexda dunida loogu neceb yahay oo ah mugdi, cidlo iyo cidhiidhi, taas oo beddelkeedu yahay inaynnu qaadanno amarka Alle, kuna qaadanno dariiqii Rasuulka (scw) si aynu u helo raalligalinta Alle, uguna sahay qaadano iilka iyo maalinta qiyaame ee la qaawanyahay ee la qatanyahay.
Macnaha ku jira siyaarta xabaaluhu waa in aadamaha oo illow badani aanu illoobin geerida sugeysa, isla markaana aanu adduunyadan dhammaaneysa kaga mashquulin xasuusta iyo xuska Eebbe. Booqashada qubuuraha iyo soo salaamidda asxaabul qubuurku, sida la innoo sheegay quluubta ayay qoysaa oo tustaa xaqiiqada iyo inaan nolosha adduunyadu kaafi ahayn ee ay dhammaaneyso.
Intaasi ka dib, waxaan booqday xabaalaha deegaanka Xeedho ee waqooyi-galbeed ee magaalada Hargeysa, waxaanan ka qaybgalay aaska Allaah ha u naxariistee, hooyo Xabiiba Jaamac Aadan, oo ayeey u ahayd Saleebaan Cabdi Cali oo ah nin aanu wada shaqeynno, saaxiibbana nahay.
Marxuumaddu waxay geeriyootay (24/09/2014) oo ku beegnayd habeen ay maalin arbaca ahi soo galeysay abbaaro 2:30 habeennimo. Laakiin waxaannu xabaalaha tagnay salaaddii subax oo lagu jiro. Tukashada salaaddii subax ka dib, waxa halkii aannu xabaasha ka qodaynay noo calamaadiyay nin da’ dhexaad ah oo waashmaan (ilaaliye) ka ah xabaalahaasi, waxaanuna bilownay qodidda xabaashii marxuumad, ayeeyo Xabiiba Jaamac Aadan. Alle (sw) wuu noo fududeeyay oo ilaa sagaalkiiba waanu dhammaynnay, laakiin intii lagu guda jiray hawsha qodidda (faqista) xabaashaasi mar kasta oo aan xabaalaha kale eegaba waxaan arkayey lambarro loo sameeyay xabaal kasta oo halkaasi ku taalla.
Iguma cusbayn xabaalaha Xeedho oo dhowr jeer oo horeba waan tagay, hasa yeeshee waxa cibro ii noqday sida lambarrada loo sameeyay xabaaluhu ay maalin walba u kordhayaan tiro ahaan. Waayo dhulka xabaaluhu ku yaallaan waxa dadka lagu aasayay ilaa shantii sannadood u dambeeyay, haddana qofkii u dambeeyay ee aan aaskiisa ka qaybgalay waxa xabaashiisa lagu dul taagey lambarka 4,596, taasi oo macnaheedu yahay in marxuumkaasi yahay qofkii 4,596-aad ee lagu aaso xabaalaha Xeedho.
Waa Xeedho oo kaliya xabaalaha aynnu ka hadlaynno tirada dadka lagu aasay muddadaa aynnu kor ku sheegnay, laakiin kuma jiraan xabaalaha Naasa-Hablood, Boqol Jire, Masallaha iyo kuwo kale ee koonayaasha (darafyada) Hargeysa ku yaalla. Markaa waxaynnu halkaa ka qaadan karnaa oo cibro inoogu wada filan sida xawliga ah ee ay dadku u baxayaan iyo sida aynnu u moogan nahay geerida. Farriinta aan naftayda iyo nafihiinnaba u tebinayaa waa yaynaan illaawin geerida, aynuna u sahay qaadanno oo la nimaadno cibaado suubban iyo Alla-ka-cabsi.
Alle xaqa ha ina waafajiyo.
Cabdiqaadir Aadan Carab