Garyaqaan Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Aadan (Cabdiqaadir Jiciir)
Mahad Illlaahay ayaa iska leh, sharaftana Muxamed baa leh. Illaaha caafimaadka inna siiyey ayeynu ku Xamdi-naqeynaa, waxaynu in yar ka taabanaynaa dhaliisha Golaha Sharci-dejinta ee innoogu magacaaban inay yihiin Golaha Muddo-dhaafka ee xaaraanta ku fadhiya ee dhaameelka iyo kolba mushaharka ay qaataan kordhisanaya ee la yidhi idinku xilka iska erya.,
Intii Sharci-dejin soo martay dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland Golahan Wakiilladu waa Golaha ugu ayaanka-darraa, kadib markii ay ansixin waayeen ee ay doonistoodiina ka waayeen Xeerkii Nadaafadda iyo Qashinka ee Dawlahada Hoose, Xeerkii Kala-xadeynta Degmooyinka iyo Xeerkii Caasimadda oo dhammaantood ku habsaamay Golahaas oo weliba eedaynaya Golayaasha Deegaannada Dalka, gaar ahaan Golaha Deegaanka ee Hargeysa oo ah Golayaasha aan muddo-dhaafin ee codkii shacabka oo xallaal ah ku fadhiya, iyaga oo muddo-dhaaf ah oo jaqaya dhiiggii ummaddan.
Haddaba, Shacabka Reer Somaliland ee dushooda lagu ciyaaro waxaan xasuusinayaa inay 82 Xildhibaan ee Golaha Wakiillada inoo fadhiya ay ku yimaaddeen cod shan sanno ah oo xilkoodii dhammaaday aynu ku soo doortan, kuwaasoo innagu maraya 12 sannadood oo weliba ku talo jiraan ilaa 15 sanno inay kordhistaan, kursigoodana ka dhigtay inuu noqdo mid dhaxal ah sidii Boqortooyooyinkii Carabta.
Ugu dembeyn, Shacabka Reer Somaliland waxaan leeyahay, ma waxaynu ka liidanaa Shacabkii Carabta ee kacdoonka salmiga ah isaga riday boqortooyooyinkii dhiiggooda ku noolaa? Innaga oo og weliba inuu Golaha Wakiillada ku filan yahay codsi shacab oo shan 5000 Qof inay horfadhiistaan oo ay yidhaahdaan; Golahan Wakiilladu kuwii Sharci-dejinta noo sameynayey maaha ee hana soo dhaafaan, isla markaana dastuurka la furo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland maanta magaca ayeynu walaalo ka nahay waxaan leeyahay, Madaxweyne xilkan uu Illaahay kuu dhiibay waxaad u haysaa dad dan yar ah oo waxba garato ah, isla markaana cabbasho badan ee Illaahayna ha kugu asturo.
Waxa kale oo aan Madaxweyne kuu sheegayaa in siyaasaddu tahay miino oo aanay jirin maanta cid kaaga aqoon badan waxa cararaya ee meesha ma marayo, balse Madaxweynihii kaa horreeyey ee Daahir Rayaale Kaahin laba jeer ayuu ilduufay siyaasadda, mar waxa uu is-weydaariyey doorashadii Deegaanka oo soo horreysay ayuu tii Madaxweynaha ka horreysiiyey. Marka labaadna Madaxweyne Rayaale wuxuu oggolaaday Golahaa meesha fadhiya oo Shirguddoonkooda oo aan xallaal ahayn bannaanka isku soo doortay, isaga oo danta ummadda ayuu duuduub ku qaatay. Madaxweyne adna shacabka ayaad u tudhaye Allaha kugu asturo.
Garyaqaan Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Aadan (Cabdiqaadir Jiciir)