Qunsulliyada Somaliland Ku Leedahay Addis Ababa Oo Fantasiye Bilan Ku Muuneeyey Xuska Maalinta Qarannimada ee 18-ka MAY

0
38

Jaalliyada Iyo Ardayda reer Somaliland Ee Addis Ababa ku Dhaqan Iyo Mas’uuliyiinta Qunsulliyada oo Si Ballaadhan U xusay Maalintan

 

Addis Ababa (Hubaal) – Magaallada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia ayaa si weyn looga xusay maalinta qaranimada somaliland ee 18-ka May. Munaasibad ballaadhan oo kulmisay shacabka Somaliland ee ku nool caasimada wadanka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa si weyn loogu xusay maalinta qaranimada somaliland, iyada oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta safaarada somaliland ee Addis Ababa, saaxiibada somaliland iyo marti sharaf kale. Safiirka Somaliland ee dalka Ethiopia Aadan Muuse Jibriil oo ka hadlay munaasibadan ayaa shacbi weynaha somaliland u diray dhambaal hambalyo ah oo ku saabsan maalinta qaranimada ee 18-ka May, waxaanu dalka iyo dadkaba u rajeeyey inay helaan himilada ay higsanayaan. Sidoo kale Ambassador Aadan Muuse Jibriil ayaa u duceeyey mujaahidiintii naftooda ku waayey halgankii adkaa ee ay somaliland mar labaad ku heshay xoriyadeeda, waxaanu ku ammaanay dawladda Madaxweyne Siilaanyo sida wanaagsan ee qiimaha leh ee wadanka horumarkiisa iyo masiirkiisa uga shaqeynayaan Sidoo kale Waxuu hambalyo iyo guubaabo u diray Ciidamadda Qaranka JSL qayb kasta oo ay ka tirsan yihin, jaaliyada addis joogtakuna amaanay sida ay heeganka ugu yihin sugida amaanka iyo rabitaanka shacbiga JSL, kuwaas oo had iyo jeer diyaar u ah inay naf iyo maalba u huraan ilaalinta Qaranimada JSL. Waxuu mudane Amb. Adam, salaam iyo bogaadin u dirayaa wadamada Somaliland ay saaxiibada dhaw yihiin ee hiil iyo hooba la garab taagan sidii loo sugi lahaa horumarka dhaqan dhaqaale ee Somaliland, wadamadaas oo ay ugu horayso dawladda Ethiopia, oo ah wadan xili walba diyaar u ah taageero aan baqasho lahayn oo uu la garab istaago somaliland, Abaal aan guurayn ayaanu u hayna Ethiopia dadkeda iyo dawladeedaba. Ilahay ka sokow, guushii SNM iyo guulaha Somaliland gaadhay gacan wayn ayay ku leedahay Ethiopia. Mudane Amb. Adam, waxuu dawladda iyo shacabka Ethiopia u dirayaa Hambalyo iyo bogaadin, 25 guuradda ka soo wareegtay madaxbanaanida iyo dhalashadda dawladda Jamhuriyadda Dimquraadiga Federalka Ethiopia ee 20 Gimbood, salaam gaar ahna u dirayaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia, Mudane Haliamariam Desalgn iyo xukuumadiisa. Waxaa xafladii 25 guuradda la soo noqoshadda madaxbanaanidda JSL ka soo qayb galay madax JSL iyo madaxkale: sida Wasiir ku xigeenka Wasaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskashiga calamiga ah ee JSL, Mudane Ahmed Adan Ismail, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxwayhana JSL, Mudane Ali Ahmed Ali, Maareye ku xigenka TVga qaranka JSL, Mudane Mustafe Mohamoud Qodax, Wasiirkii hore ee Wasaradda Arrimaha Gudaha ee JSL, Mudane Abdilahi Adan cirro, xildhibaano iyo madax kaleba, waxa kale oo si qiimo iyo qaayo leh noogala soo qayb galay, xaflada una bogaadinaynaa Madaxda ka tirsan Ethiopian Airline. Dhamaan diplomasiyiinta Safaaradda JSL ee Itobiya, Mudane Ayanle Salad Deria, Safiir ku xigenka JSL, ee Itobiya iyo Marwo Ladna Hassan Rabi, Madax xidhiidhka guud ee Safaaradda JSL iyaguna intaa iyo in leg oo hambalyo iyo bogaadin ah u dirayaan dawladda iyo shacabiga JSL.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here