Mahad Alle SWT ka dib, Qur’aanku waa hadalkii Alle SWT, hadal ka saamayn badani ma jiri karo. Qur’aanku waxna wu ina faraya waxna wu inooga digaya. Sidoo kale wuxu inooga warama qisooyin dhacay, isagoo inooga digaya wuxu tubti lagu halaagay in aynu qaadno. Qur’aanku wuxu ka warama janno iyo naar, taas oo ah halka lagu kala aroorayo. In badan wuxu ka warama labadaa waxa dhex yaal. Sido kale Qur’aanku waa hagihi aadamaha iyo qodobadi lagu dhaqmayey halkaa laga qaadanayo. Wuxu iftiinsha qofka iyo xaqa Illahay SWT ku leeyahay. Qofka iyo xaqa naftisu ku leedahay. Qofka iyo xaqa waalidkii ku leeyahay. Qofka iyo xaqa ooridisu ku leedahay. Qofka iyo xaqa mujtamacu ku leeyahay. Sido kale axkaamaha Guurka, Dhaxalka, Ganacsiga, Salaadda iyo Daharaadeda. Xajka iyo Soomka ayuu inooga warama. Sido kale axkaamo fara badan oo siyaasaddi nolosha lagu hagayeyna ka mid tahay ayu Qur’aanka Kariimka ahii ka hadla aalaba. Markaa waa dustuurki Alle SWT ummada so raaciyey si ay isugu xukumaan.
Dhibatooyinka jira waxa ka mid ah in mujtamaceenu aanu isku hawlin barashada iyo fahamka Qur’aanka Kariimk ah. Taas oo ay keenayso un fikiro shisheeyo oo dadkan lagu saameyey. Laguna kala fogeyey luuqadi Qur’aanku ku qorna iyo iyagu inay is fahmaan.
Qur’aanku wuxu leeyahay raadayn fara badan oo u qofka ku reebo. Inta u qofku fahmayana qalbigiisa u ruxo. Gilgilo iyo xasiilooni saamayn aan xad lahayna qofka u ku rido. Se taas waxa ka ooman oo ka aradan qofka Qur’aanka Kariimka ah aanay is fahmayn. Waxa aynu so qaadan doona dhawr tusaale oo mujinaya cid Qur’aan dhagaystay oo u raadayn ku yeeshay. Cidaasi ha ahaado Malaa’iig, Jiiman iyo Insiba.
Asxaabigi la odhan jiray Sayd Ibnu Xudayd ayaa waxa u yidhi ”habeen ayaan Salaatul-layl tukaday. Waxa aan akhriyey suratul Baqara, anigoo sidi u akhrinaya ayaan arkay fardihii i xaraysnaa oo diday, waxa aan joojiyey Qur’aanki aan akhrinayey, way aamusen oo cidi iyo xeeradi ay gilgilayeen joojiyeen. Hadana Qur’aanki ayaan akhrintiisi bilaabay iyaguna intii ayey hadana bilaaben. Marki dambe ayaan cirka eegay mise waa daruur aniga aad moodo inay iguso dagayso oo aad igu dhaw. Aroorti ayaan Rasuulki CSW intii u sheegay wuxu igu idhi akhri Ibnu Xudaydoow Qur’aanka walaahi Malaa’ig ayey ahayeene”. Hadaba is waydii oo Ibnu Xudayd iyo malaa’igtu inay sidaa isugu so dhawadaan maxa keenay?. Waa Qur’aanka u akhrinayey, ee qof yahoow haddi aad donayso in sidaa aad ahaato joogtee akhrinta Qur’aanka.
Habeen ayaa Rasuulka CSW oo akhrinayaa Qur’aan waxa maqlay koox ka mid ah jiinka. Dabadeed is aamusiyeen iyago leh “aamusa aamusa” ka dib sida u Qur’aanku ka waramay waxay ay noqdeen iyaga oo digayaal ah, markii ay noqdeena waxa ay tolkood ku yidhaahdeen “waxa aanu maqalnay Qur’aan la yaab leh, oo kugu hagaya hanuun, waanu rumaynay anagu, Illahayna cid la wadaajin mayno”. Waxa aad arkaysa in isla markiiba imaanku qalbigooda galay, taas waxa keenaysa fahamkii ay Qur’aanka Kariimka ah fahmeen inu hadalkii Illahay SWT yahay. Markii ay dhegaysteenba waxay isu rogeen digayaal. Adiguna intasaad dhagaysanayse maalin un ayaad Qur’aan ah oo aad dhagaystay waxay ka hadlaysay dadka ma uga waran tay?.
Waxa iyana Qur’aanka dhagaystay koox wadaado kiristaan ah. Markii ay dhagaysteen ayey kaso fal celiyeen isla markiiba, hadaladii iyo ficiladii ay maalinta la yimadeen Illahay SWT wuxu ka dhigay Qur’aan illa maanta la akhriyo. Wuxu Alle SWT yidhi “markii ay dhagaysteen hadalkii laguso dajiyey Rasuulka (Qur’aanka) waxa aad arkaysay indhahooga oo ilmadu kaso qubanayso, garashidi ay xaqa garteen darteed, waxa ay yidhaahdeen Allahayoow waanu ku rumaynay ee no qor in aanu ka mid nahay kuwa maraga ku ah”. Isla judhiba imaanku qalbigooga wuu galay markii ay fahmeen inu yahay hadalkii Alle SWT. Dano kale may eegin ee waxa ay noqdeen qaar muslimnimadu qalbigooda gasho.
Nin la odhan jiray Fudayd Ibnu Ciyaad ayaa wuxu ahaaba la yidhi tuug dadka dhaca, oo shufto ah, habeen ayuu oday uso dhacay isagoo donayaa inu xado, odaygu wuxu tukanaya Salaatul-layl, wuxu maqlay odaygii oo akhrinaya aayada Qur’aanka ah ee odhanaysa “waar miyaanay gaadhin kuwa imaanka laga helay in xuska Alle qalbigoogu u jilco”. Fudayd ayaadaasi qalbigiisa waran ayey ku noqotay, ka leexisay wuxu u socdayba. Odaygii ayuu ag fadhiistay isaga oo ku leh waar Qur’aanka igu akhri, odaygiina inta u yaabay ayu ku idhi waar maxaad ahayd, waar xageed iga timi xiligan. Fudayd Ibnu Ciyaad halkaa wuxu ku noqday nin wixi ka toobad keena, wadaad aad u caan baxay ayuu ku dambeyey Fudayd Ibnu Ciyaad oo markii uu uso gabyayey Cabdilaahi Bin Mubaarak waki ku lahaa “waar kii labada Xaramayn ugu cibadada badnaayow”. Darajada muxu ku gaadhay Fudayd, waa Qur’aanka qalbigiisa tuujiyey.
Walaalayaal haddi aynu is nidhaa raadaynta Qur’aanka ka geyoon mayno dhamayna kari mayno. Se inaga intee ayuu qalbigeena taabta mise maba fahano. Markii ay reer yurub kuso duleen Falastiin ayaa janankii cidanka watay yidhi waar hadaba kitaabkan iyo iyaga side ayeynu u kala fogayna, mid askartiisi ka mid ah ayaa kitaabki inta u qabtay jeex jeexay, markaasu ku idhi janankii waar sidan maaha, sida aan donayaa waa in qalbigooda aynu ka masaxno oo is fahamka ay is fahmaan kala kaxayno. Waxa marag ma doon ah in tiina ay dhacday. Dunida Islaamka ee aan carabta ahayni barashada luuqada Carabiga liidnimo ayey u arkaan maanta, halka carabtiina qudhoodu u baahan yihiin in iyaga laftarkooga loo macneeyo Qur’aanka waayo lahjado kale ayey qaateen oo iyagiibaba u baahan intooda badani in lo macneeyo.
Walaalayaal gun iyo gunaanad waa in aynu wakhtigeena qayb ka mid ah u hurna barashada Qur’aanka iyo tafsiirkiisa. Si aynu u ahaano qaar u raadeeyo. Markaa aad fahamtiid ayaad ku dhaqmaysa.