Raad raaca Taariikhdii Geel Xareyska iyo Hub ka dhigista Beellaha Bariga Somaliland

0
139

Isma Oga Atoor Qadow Bartay Iyo Uubta Loo Qoday, Isma Oga Nin Urugaysan Iyo Eelka Kii Dhigay, Isma Oga Aqoon Xumo Iyo Malig Israa’iil, Isma Oga Askari Qooqan Iyo Nimaan Af-Buux, Siin”

By. A. A. A. Goodir

 Axmed Ali Goodir

  • Kaddib markii khaati iyo quus laga joogsadey hab-dhaqankii geel-jiranimada, kibirka, islawaynida iyo af-taagnimada reer-guuranimada ah ku, salaysnaa.
  • Kaddib markii dhulka carro-madawga iyo carro-didibka ahba looga caagey barbaar xooggan ee ku hubaysan hubka dilaaga ah, ee kala nooca ah sida:–
  1. Maan-dhiin yaraha
  2. Hilqadlaha
  3. Maarraha
  4. Iyo Afweynaha
  • Kaddib markii ceelashii biyaha ee shubaasha ahaa iyo dooxooyinkii daaqa dhulka carro-sanka ah, laysugu xoog iyo faro sheegtey.
  • Kaddib marki talo iyo tusaale lagala quustey yar iyo waayeelba inay sharciga iyo Nidaamka dawladnimo u hoggaansamaan iskana dhigaan silaaxa halista ah ee ay ku gaashaaman yihiin, iskuna wax yeeleeyaan.
  • Kaddib markii la xaqiijiyey in nabadagalyadii iyo xasiloonidii khatar ku sugan tahay, iyadoo laga dar-daar weriyay burcad-nimada shufto-nimada iyo fallaago-nimada ka dillaacday deegaannada reer-guuraaga ah dhexdooda, lana cabsi geliyey safarrada ganacsiga ah ee isaga goosha dalka gudihiisa.
  • Iyadoo laga duulaayo arrimahaas oo dhan waxaa degmooyinka ceerigaabo ilaa iyo laas-caanood lagu soo rogey xukun deg-deg ah waxaana loo soo xulay hoggaamiye maamul oo awood badan kor laga soo siiyey kaas oo la odhan jirey Mr. Smith, Soomaaliduna u tiqiin Mr. ISMIIDH.
  • Daraasad cilmiyeysan iyo xuuraan xog-ogaalnimo ku dhisan kaddib waxaa tiro-koob saxan lagu soo sameeyey hubka (Qoryaha) ay beel kasta oo caaqil lehiba haysato iyo ceelasha ay geelashoodu ka cabbaan amase bananka iyo dooxooyinka ay degaan, kana foofaan.
  • Si looga baxo nidaam-darrada iyo sharci diidnimada baahdey wuxuu ismiidh soo rogay wareegto amar bixin ah oo qeexaysa in dhammaanba geelasha ku sugan nawaaxiga ceerigaabo iyo laas-caanood lagu soo xareeyo sabadka magaalada, iyadoo sii-daynta geelana shardi looga dhigay hub ku badalasho qoryaha beel hoosaad kastaba diiwaangashan.
  • Waxaa xusid gaara iyo tusaale u soo qaadasho mudan kadimadii geela adeeradey ilma Axmed (Yare) cali oo tiro ahaan ahaa toban walaalo ah oo isku mar wada hanaqaad noqdey, laguna yiqiin aftahanimo, dhiirani iyo geesinimo aan gabasho lahayn hase yeeshee waxaa dhacday in goor habeenimo ah laga soo diray laas-caanood ciidan xoogan oo ku mirey dooxada  karamaan gacantana looga dhigey geelii iyo hubkii markaas ay haysteenba aadna uga yaraa tiradii loga rabey ee ku qornaa nimankii ilma axmed yare ee loo yiqiin libaaxyada Bananka, waxaa geelodii lagu tubey duleedka laas-caanood nimankii qabweynida lagu yiqiin, waxay ciil iyo cadho awgeed ku gataati dhaceen goob bannana ah oo dhaxan iyo dabayl badan, waxaana dhacdey in dhaliinyaro reer laas-caanood ah oo badankooda abti loo yahay ay sacab iyo hees ka dul qabsadeen,  iyagoo ku jees jeesaaya geesiyada caddilan ee qamooyada iyo qoomamada la jiifa ee Ismiidh ku amar-taagleeyay una awood sheegtay, iyadoo wiil abti loo yahay oo la odhan jirey Axmed Darwiish Xaaji Jaamac (ina Ilka weyne) oo ay dhashay Banjaali Geeddi, xagga hooyana ay ka walaalo ahaayeen Cabdulqaadir Faarax ayaa heestan kula dul kufay abtiyaashii, halkii ay ka soori lahaayeen, kana soo dhawayn lahaayeen, wuxuuna yidhi:-
  1. Abtiyaaladey daya
  2. Halka Ayro laga tubay
  3. Arag-xumo daraadeed
  4. Afka sidey yidhaahdaan
  5. Aaway inamadoodii
  6. Aabiga badnaan jirey
  • Ayaanle Axmed yare oo ahaa wiil ku can-baxay geesinimo iyo aftahanimo wuxuu isagoo la moodo libaax qoyan amase daallan oo qafas (cage) ka soo ruqaansaday,  goobtii uu jiifey, wuxuuna heestii loola jeedey uga jawaab celiyey sidan tan:.
  1. Abtiyaaladaa eed
  2. Afka hudhe ku goo-gooy
  3. Carrabkana qidhim lagaa sii
  4. Adigoo aduunyona dameer wada
  5. Dadna gabadh cadhole wada
  6. Duudda Biciide kaalay aan idiin dawerinnee.

(Ayaanle waxa uu ahaa wiil qalladeed bir-lab ah oo ka takooran degaanka)

  • Sida taariikhda awow ka sheekaynta ahi ay tibaaxayso, waxaa wiilkii Axmed Darwiish soo riday, Cudurkii loo ishaaray, waxaana iyadoo dameer dushii lagu sido loola soo cararey, Duleedka Guryihii abtiyaashii, si loogu tufo ama loogu duceeyo.  Kaddib markuu caafimaaday,  wuxuu noqdey xoogsade bad-mareen ah oo Baarri u ah abtiyaashii,  kana gaabsada.(waxaa hore loo yidhi IL iyo Ishaaro Abti sooma daahdo).
  • Ugu danbayntii wuxuu qoruhu tusaale ahaan usoo qaadanayaa murtidan dhaxl galka ah ee laga wariyey Darwiishkii xaaji Ismaaciil Mire taasoo loo arko xilli kastaba arrin taagan loo adeegsankaro cibaarada iyo dhacdooyinka waayaha aduun:–
  1. Isma Oga Agoon Iyo Ninkii Aabahood Dilay
  2. Isma Oga Waraabaha Amleh Iyo Awr La Laayacay
  3. Isma Oga Arbow Weere Iyo Adhiga Goosmaa
  4. Isma Oga Atoor Qadow Bartay Iyo Uubta Loo Qoday
  5. Isma Oga Nin Urugaysan Iyo Eelka Kii Dhigay
  6. Isma Oga Aqoon Xumo Iyo Malig Israa’iil
  7. Isma Oga Askari Qooqan Iyo Nimaan Af-Buux, Siin
  8. Isma Oga Abeer Qalable Iyo Inanka Raacaa
  9. Isma Oga Ugaadh Iyo Libaax Alamiyeystaa
  10. Isma Oga Ismiidh Iyo Ninkii Ayro Foofsaday\
  • Guud ahaanba markii soomalidii bari iyo galbeedba raaciyad laga dhigay waxaa magaalooyinka laga furay shookiyo iyo maxkamado loo soo, dacwoodo waxaana laga sameeyey oo la shaaciyey jaliilado shaabadaysan oo waaran u yeedhis uyaal ahaa taasoo qofka loo geeyaa (Askari la’aan)uusan diidi kari jirin, balse lala soo deg-degi jiray, waxaana hirgeshay oo maah-maah noqotay:

“Amar Dawlo Muddeec, Diidaana Dabbaal Danbiile ah”

  • Sidoo kale, marka dil ka dhaco Bulshada Reer-guuraaga ah dhexdooda, waxaa kolkiiba gacanta looga soo dhigi jiray geelooda, iyadoo isla goobtaas loogu marin jiray beeshii dilka loo gaystay, haddii laba beelood loo kala tag iyo maaro waayo, waxaa dhammaan cuqaashooda iyo odayaashooda wax-ku-oolka ah loo tibaaxibi jiray saldhigyo go’doon ah oo ka fog deegaankooda, sida Saacado-diin Iwm, waxaana cuqaasha u hoggaansamiweyda awaamiirta Dawladda laga joojin jiray mushaharka , tan iyo inta ay ka soo hanuunayaan kana Amar qaadanayaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here