Annaga oo Tixraacayna Warbixin Lagu Baahiyey Barta aanu Internet-ka ku Leenahay Ee Hubaalmedia.net Salaasaddii Dorraad ee Bishu Ahayd 28-ka August, 2015, Warbixintaas oo ku saabsanayd qado sharaf loo sameeyey Wasiirrada Beesha Sacad Muuse Ugu Jira Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, taas oo ka dhacday Hotel-ka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, Waxaa ku jiray oo qoraalka warbixinta ka mid ahaa in uu ka qayb galay Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awa suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cadbiraxmaan oo aan isagu madasha ku sugnayn balse aanu qaladnay magaciisa kuna sheegnay Suldaan Maxamed Suldaan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye. Sidaas darteed waxaanu akhrtistayaasha ku xidhan degelka Hubaalmedia.net iyo Suldaanka guudba ka raalli gelinayaa khaladkaas oo ahaa mid farsamo ama madbici ah.
Allaa Mahad Leh
Bahda Tifaftirka ee Hubaal Media