Xukuumadda Somaliland Miyey Dhaadan Tahay Mise Wey Dhayalsatay Dagaalka Ay Hay’addani Kula Jirto Nolosha Bulshada?
Maareeyaha Xukuumadda Hay’addan Uga Wakiilka ah Oo Aan La Haynin Meel Uu Jaan Iyo Cidhib Dhigay Intii Abaartu Bilaabantay Iyo Madaxtooyada Oo Jawaab Degdeg ah Looga Fadhiyo
Hargeysa:(Hubaal)-Hangarrada waaweyn ee ay Hay’adda cuntada adduunka(WFP) ku leedahay magaalooyinka waaweyn ee dalka, ayaa waxa toonsan oo is dul fuushan raashin wakhtigiisii dhammaaday iyo mid kale oo isagana wakhtigiisu dhammaad kusii dhaw yahay, kaas oo laga af-xidhay dadkii u baahnaa oo xilligan macaluul iyo baahi la tiixaya.
Inkasta oo ay Somaliland ka jirto abaar dad iyo duunyoba halakaysay, isla-markaana gaadhay xilli dadku dhimasho bilaabaan, haddana hay’addii dhammayd ee duniga cuntada u qaabilsanayd oo dalka ku leh xarumo ballaadhan oo ay raashinka ku keydsato, ayaa weli hal tallaabo, qaadin, waxana raashinadda ay hay’addaasi dalka soo gelisaa rasaysan yihiin bakhaaradda ay magaalooyinka waddanka ku leedahay, ilaa iyo imikana qufulladii lagama furin.
Xarunta ay hay’addani ku leedahay magaalada Hargeysa oo ah middeeda ugu ballaadhan, ayaa wax aka buuxa raashin wakhtigiisu dhacay, kaas oo loo diidan yahay in bulshadii loogu talo galay la siiyo ka hor intaanu dhicin, waxana xusid mudan inuu bakhaaradaas yaallo raashin badan oo aan weli la gaadhin wakhtigii uu ku dhici lahaa, balse masuuliyiinta hay’addan uga wakiilka ah qaranka, ayaan weli wax tallaabo ah qaadin, waana ay iska daansho daanshoonayaan umadda macaluulsan dhexdeeda.
Raashinka wakhtigiisu dhammaaday eek u xaraysan xilligan bakhaaradda iyo xarumaha keydka ee hay’adda WFP ku leedahay Somaliland, ayaa loogu talo galay in beeralayda lagu niyad jebiyo, isla-markaana caawimo ahaan loo bixiyo xilliyada dalagyada waddanku soo go’aan, waxana ay arrintani kamid tahay ujeeddooyinka ugu waaweyn ee hay’addani waddanka u joogto.
Xukuumaddu oo iyagu wakiilkii bulshada ah, ayaa hay’addan usii wakiilladay Maareeyaha hay’ada xidhiidhinta cuntooyinka qaranka Md. Siciid Xasan Cabdilaahi, kaas oo isaguna marag ka noqday dhaqan-xumada hay’addan iyo cadaawadda ay bulshada tabaalaysan la dhex joogto.
Maareeye Siciid ayaan weli muuqiisa la arkin tan iyo intii gobollada bariga dalka ay abaaruhu ku dhufteen, waxana uu u muuqdaa shakhsi ku milmaya cadaawadda ay hay’addani dadka ku hayso iyo dhaqannada naxariista ka dheer ee ay raashinkii umadda loogu talo galay ee xilliyada abaarta loo qoondeeyey bakhaaradda ugu sii haysato ee aanay u oggolayn in umadda lagu caawiyo.
Sidoo kale xukuumadda dalka ka Talisa, ayaan iyaga lafteedu bulshada tusin wax tallaabo ah oo ay hay’addan ka qaadayso iyo wax la-xisaabtan ah oo ka dhan ah, waxana ay taas beddelkeeda ganacsatada waddanka ku dawakhisay su’aalo la xidhiidha sidii ay qaadhaan iskaga soo ururin lahaayeen, xilli raashinka hay’addani gacanta ku haysa oo wakhtigii la isticmaali lahaa la joogaa uu bakhaarada ku dhacayo.
Marka laga yimaaddo dagaalka xagga wax soo saarka ah iyo cadaawadda ay hay’addani bulshada ku hayso, waxa jira musuqmaasuq iyo wax is-daba marin balladhan oo ay masuuliyiinteedu ku hayaan raashinkii mucaawimada loo qoondeeyey, waxana jira goobo badan oo magaalada Hargeysa ku yaalla oo si tuugonimo ah loogu iibiyo raashinka ay bixiso WFP oo xataa calaamadeedu ku dhejisan tahay.
Madaxweynaha qaranka Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo), ayaa waxa looga fadhiyaa inuu si degdeg ah ula xisaabtamo hay’adda WFP oo bulshada gobollada bariga ku tabaalaysani baahi weyn u qabaan raashinka ay bakhaaradeeda ku haysato, waxana muhiim ah inuu madaxweynuhu si gaar ah ula xisaabtamo masuuliyiinta uu u wakiishay hay’addan.