Rabiyow Allahayow, Naga Bixi Abbaaroo, Barkhadaale Noo Shub- Maanso: Sadiiq Faysal Carabayto

0
105

sidiiq-faysal

Tixdan Maansada ah oo Magaceeda la yidhaa BAAQ waxaa Curiyay Hal-abuurka da’da yar ee Sadiiq Faysal Carabayto, oo dareenkiisa ku cabiraya abbaaraha baahsan ee geyiga Soomaalida ka jira, gaar ahaan Somaliland. Maansadan oo uu kula hadlayo bulshada, sidoo kalena ku baryayo Allaha ma baahdaha ah ee isga loowada baahan yahay, badbaado.

wuxuu ku bilaabay sidan:

Aan Ku Bilaabo

Magaca Eebe

Burhaanoow In Dhawaydba

Ma Boganin Jiifkoo

Beer Kay Lul Maayo

Waxa Keenay Babashada

Igu Beeray Walaaca

Aan Ku Bayaanshe

Hadii Barbarkaaga

Barwaaqadu Taal

Dad Baahi Awgeed

Bogu Caloosha Haystoo

Naf Baxayaaba Jira

Oo Adi Baxnaaniyo

Baano Kaa Sugaaye

Dumarkiyo Barbaartii

Iyo Bir Ma Gaydadeenii

Gaaja Bislaysoo

Beerkay U Jiifaan

Badhna Waabay Laysoo

Bari Horaa La Aasaay.

Abaara Dhacaayo

Baadkii Idleeyoo

Bartii Aad Istaagtana

Bakhtigaa Is Gaadhoo

Boqol Boqol U Yaalad

Ku Arkaysaa Banaanada

Bulshadaasi Maanta

Baradoodu Waa Caydho

Biya Madaw Ma Haystane

Baaqaygu Wuxuu Yahay

Ma Barakoobo Maalkii

Dhoobi Laga Buuxsada

Ifkana Baahi Joogtiyo

Baaqi Miidhan Weeyee

Bulshooy Ogsoonow

Waxad Maanta Bixisaa

Beri Iilka Kula Gali

Umadeenan Baahan

U Baraarugoo Kaca

Heda Baxaysa

Badbaadiya Umadeey

Rabiyoow Allaw

Naf Bugta Bogsiiyow

Baahi Tiriha Aduunkow

Naga Badbaadi Abaaroo

Barkhadaale Noo Shub

Waxa Tiriyey=  Abwaan Sadiiq Carabayto

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here