Isku Soccodka Gaadiidka Oo Daqiiqado Kooban Haked Galay Iyo Ciidamada Booliska Oo Xabsiga Ku Guray Dad U Badan Dumar Iyo Dhalinyar
Hargeysa (Hubaal) Rabshad gelinkii dambe ee Shalay ka dhacday xaafada Gol-janno ayaa ciidanka Boolisku waxay kusoo qabqabteen dad gaadhaya labaatameeyo.
Rabshadan ayaa ka dambaysay taawar isgaadhsiin ah oo shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom ka samaysay xaafadaasi, taasi oo dadka xaafadaasi sheegeen inay dhibaato ku keenayso nafahooga.
Dhalinyaro ayaa taayiro ku gubay wadada xaafadaasi dhex marta oo laami ah,iyadoona jidka basku usoo maro xaafadu uu xanibmay Daqiiqado kooban.
Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay rabshadaasi, marka laga tago jidka laamid ah oo taarirradii lagu shiday iyo dhagaxaantii la dhigay garaafeeyeen, waxaana ciidanka booliska ee nabadgalyada qaabilsani oo kaashanaya dadka xaafada markii dambe u suuro gashay inay demiyaan dhammaanba rabshadahaasi.
Wallow markii dambe xorriyadooda dib loogu soo celiyay tiro dumar ah oo saldhigga dhexe lagu xidhay, balse haddana waxa jira qaar xalayba u hoyday saldhigga dhexe ee booliska.
Shirkaddaha isgaadhsiinta ayaa Taawero ka taagta xaafadaha, halkaasi mararka qaarkood ay ka dhacaan rabshado ay dadweynahu ku diidan yihiin, taawerada laga dhex taago sida dhacdan oo kale.