Hargaysa (Hubaal)- Rebshaddo ay dad ku dhinteen ku dhinteen oo maalmihii la soo dhaafay ka socday xaafadaha Daami iyo Sheekh Madar ee degmadda Gacan-libaax ee caasimadda Hargaysa, oo u dhexeeyay dhalinyaradda xaafadahaasi ayaa la sheegay in la soo af-jaray.
Sida uu noo xaqiijiyay Eng. Hussein Ibrahim Buuni oo ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, isla markaana ka tirsan wax-garadka xaafadda Daami oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay DAWAN. Waxaanu sheegay Eng. Buuni in hadda xal waara laga gaadhay arrintaasi isla markaana ay isku yimaadeen odayaasha iyo wax-garadka labadda dhinac.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa maalmahan dambe ka socotay shaqaaqo dhex martey dhalinyarada labada xaafadood ee Daami iyo Sheikh Madar, taas oo u dhexeeyey dhalinyarada beelaha Gabooye iyo dhalinyaradda Ciise Muuse, waxaanu ka gaadhnay xal waara. Kadib markii u dhexmaray dhalinyarada dhawr jeer ama saddex jeer oo ay isku soo noqnoqdeen dagaalkani. Waxaanu labada dhinac odayaashoodii, dhalinyaradoodii iyo waxgaradkoodiiba, waanu isku nimid. waananu ka wada hadalnay mashaakilka soo noqnoqday ee ka taagan xaafada iyo waxa ka dhexeeya dhalinyaradan oo isku soo noqnoqdey hada Labada reer. Weligoodba way wada deganaayeen xaafadda oo ilaa Ingiriiskii, waanay is-layn jireen dhalinyaradu, oo intay galabtii Kubadda soo wada ciyaraan ayay habeenkii is-layn jireen subixiina is raaci jireen, oo dagaal cadaawe muu jirin. Wuxuu ahaan jiray dagaal ehel iyo sokooye”.
Eng Buuni, waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan dad oo dhacdadaasi si dhaw ula socon oo tafsiir qaldan ka bixiyay arrintani oo si cadaawadaysan u dhigay, isla markaana sii buun-buuniyay arrinta dagaalka u dhexeeya dhalinyaradda labadaasi xaafadood.waxaanu u soo jeediyay dadkaasi in ay iska joojiyaan waxyaabahaasi oo uu sheegay in ay sababi karan iska hor-imaad intaasi ka badan kana dhib weyn.
“Waxaa inagu cusub dagaalkan aanan af go’ayn ee sii balaadhanaya. sidoo kale waxaa iyaduna inagu cusub ood moodaa in ay iyaduna noqnoqoneyso tafsiir qaldan oo laga bixinayo dagaalkan dhexmara dhalinyarada labada reerood oo dad aanan qayb ka ahayn xalku ku dhawaaqayaan dawlada ayaa ka dambeysa. Waxaan leenahay hadalkaasi waa hadal raqiis ah oonan sal iyo raad toona lahayn, markay islayaan waxaa la odhan jirey waa labadii Muuse oo iyagaa iska keen xigga oo haddii ay heshiinayaan arrinkii sidaas ahaa waa laga qurux badan yahay in tafsiir qaldan laga bixiyo oo dad aanan goob joog ahayn ama meel wax lagu xalinayo aanan joogin ay qaylo dhaan qaldan oo sababi kara iska horkeen umadahan iyo dawladaba ay ku dhawaaqaan waxaan soo jeedineynaa in laga waan toobo, dawladu waa u dhex umada reer Somaliland haddii shaqaaqo dhacdona ciidanku iyaga ayaa u xil saaran soo afjarida shaqaaqada” ayuu yidhi Eng. Buuni.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray Eng-ku in ay arrintaasi kala hadleen wasiirka daakhiliga iyo taliyaha booliska, isla markaana ay u soo bandhigeen in rasaasta nool ee ay ciidamadda boolisku u adeegsadaan iska hor-imaadyadda dhalinyaradda ay iyada lafteedu tahay mushkilad cusub oo u baahan in ay iska ilaaliyaan ciidanku.
Waxanu yidhi “Wasiirka arrimaha gudaha Cali Warancade iyo taliyaha ciidanka bileyska Cabdilaahi Fadal, waxaanu ka wada hadalnay in ay tahay mushkilad inagu soo korodhey ciidankan rasaasta u adeegsanaya dhalinyarada guud ahaan waanan ka xunahay dabcan inanka hada ku dhaawacmey iyo labadii wiil ee horeba. xalkana waxaan Allah s.w ka baryeynaa in uu inooga yeelo mid lagu waaro. Markii aanu isku keeney labada dhinac odayaashoodii,cuqaashoodii, salaadiintoodii iyo dhalinyaradoodiiba waxaa laga wada Hadley shaqaaqadan soo noqnoqotey iyo xalka ay salka ku hayso, waxaanu labadayada dhinacba ku kulaney xarunta wasaarada arimaha gudaha, oo aanu ku wada hadalney sidoo kale gudi isku dhafan oo labada dhinac ayaanu u saarney baadhida dhaawacii naf iyo maalba lahaa sidoo kale halka ay salka ku hayso mushkiladan soo noqnoqotey.
Beesha Ciise Muuse waxan leenahay Soomaalidu waxay tidhaahdaa oodi ab kadhaw, ILLAAHAY ayaa reerkan iskiin baday oo meel ayaad wada talaan ee markay dhalinyaradu isku dhacaan sidii caadada ahayd waa in loo gurmado oo inta waaweyn ay u gurmato oo xal dag dag ah aynu si wada jir ah uuga gaadhi lahayn ayaa muhim ah in aynu yeelno”.
xigasho:gudgude