RADIO HUBAAL: Dhegeyso Aqoonyahan Soo Bandhigay Asaraar Ka Dhashay Ballanqaadyo Xagal-daacay Oo La Deris Ah Siyaasadda Hoggaamineed Ee Madaxweyne Axmed-Sillaanyo

0
63

Hargeysa (Hubaal)- Aqoonyahan Maxamed Cabdikariim Oo Kamid ah dhalinyarada   Mutacalimiinta ah ee U dhuun-daloola Siyaasadda Hoggaamineed ee Xukuumadda uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa daaha ka fayday ballanqaadyo raad-arooryo ku dembeeyey oo shacbiga Somaliland In badan ka quudarraynayeen Siyaasadda Hoggaamineed ee Madaxweynaha kuwaas oo  xilliyadii ololaha doorashada Madaxtooyada in badan lagu beer laxawsaday taageerayaashii KULMIYE ee codka laga filiyey.

Sida ay caawa baahisay Idaacadda madaxa banaan ee radio Hilaac oo uu Maxamed Cabdikariim u warramay, taas oo HUBAAL Media ka soo xigatay waraysi cod ah oo ay la yeesheen, waxa shacbiga Somaliland iyo guud ahaanba kaydka warbaahintu markhaati ka yihiin hadalladii iyo ballanqaadyadii Musharraxiintii Madaxtooyada ee KULMIYE doorashadii Madaxtinimada ee 2010-kii dalka ka dhacday ay dadka u sheegeen kuwaas oo in badan oo taageerayaashii KULMIYE ee waqtigaasi haatan ku qoreen baalka madow ee taariikhda lagu xasuusan doono.

Haddaba Waraysiga Maxamed Cabdikariim oo Dhamaystiran Guji Halkan Si Aad U  dhegeysato:

Maxamed Cabdikariim

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here