Cadale(Hubaal):- Kooxdan ma-naxayaasha ah, ayaa ah koox aad ugu naxariis-daran inta badan dadka Shacabka ah, kuna fuliya Xukunno aad u dhibaato badan waxaana ku qabsatay gobolka Shabeellada Dhexe ee Degmada Cadale, tasoo dhacdo mucjiso ah oo ay dad badan la amakaageen ka dhacday.
Kooxdan ayaan marna fiirrin denbiyada ay ka galayaan Amiirradooda dadka shacabka ah xukunkoodana ku kooba shaqsiga Maskiinka ah ee aan awoodda lahayn in ay ku fuliyaan waxaana dhacday Gabadh ka mid ah dadka Deegaanka in ay ku xukumeen Dil dhagax lagu dilayo markii ay dhashay ilmo Ninkii Aabbaha u ahaa sida ay sheegeen uu ku Inkiray Maxkamadda Kooxda Khawarijta Al-Shabaab, ayaa qaadatay go’aan ka dhan ah Gabadhaas keligeed waxaanay denbi ugu dhigeen in ay macsi ku dhacday waajibna ay tahay in Dhagax lagu dilo markii ay dhasho, waxaana xukunkaasi dhacay iyadoo Caloosha ay ku siddo Ilmo. Gabadhan ayaa Maxkamadda ka hor sheegtay ninkii guursaday magaciisa kasoo Gabadha ay ku heshiyeen in isku qaban si qarsoodi ah.
Sidoo kale, Gabadha ayaa Maxkamadda ka hor-sheegtay Shekhii isku meheriyey magaciisa kooxdan ayaan dheg jalaq u siin hadalka qofka Shacabka ah mar haddii Sarakiisha la shegaayo ay ka mid yihiin Sarakishooda, waxaa dhashay Gabadhii, waxayna ilmaheeda gaadheen 7-maalin kadibna waxay go’aansadeen shalay gelinkii dambe in ay dhagax ku dilaan, waxaanay isugu yeedheen Dadka Deegaanka goob fagaare ah oo weyn oo ku taalla Degmadaas si loo fuliyo xukunkii Maxkamadda ee Gabdha lagu riday, iyadoo dhagax lagu dilayo.
Haddaba Maxaa dhacay Markii Fagaaraha la iskugu Yimid?
Gabadhii Markii loo diyaar-garoobay in Xukunkii lagu fuliyo, ayaa mar qura waxaa dhacay Fal ay la argagaxeen inta badan dadkii goobta isugu yimid, kaasoo ahaa in ay hadashay Gabadhii yareed ee ay dhashay Gabadha xukunka lagu fulinayo, taasoo Adduunka marnaba ka dhicin in ay hadlaan Ilmo jira 7 Maalmood, iyadoo ku hadashay hadal Fasiix ah oo dadka oo dhami ay fahmayeen si wanaagsanna uu codkeeda u wada gaadhayey.
Maxay tidhi Gabadha yar ee toddobada Maalmood jirtay?
“Aniga Hooyadey Xaaraan iguma dhalin, Aabbahey waa Hebel, waxaa Hooyadey iyo Aabbahey isku Nikaaxiyay Sheekh Hebel, waxaa Makhaatiyaal ka ahaa Hebel iyo Hebel, Hooyadey wax dembi ah malaha!!!.” Sidaa ay tidhi Gabadhaas yar ee toddobada maalmood Adduunka joogta. Allaahu Akbar, Subxaana-laah!.
Gabadhii yareed Hooyadeed ayaa lagu wareejiyay waxaana dad weynihii isu soo baxay ay ku kala dareereen goobta iyagoo ka amakaagsan sida arrintu u dhacday qaar ka mid ah Ehelka Gabdha oo la hadlay Idacada FM-ta magalada Muqdhisho ka howlgasha, ayaa hadalkaas u xaqiijiyey, waxaanay u sheegeen in ilmaha yar uu muddo saacado ah ku celcelinayay Hadalkaas Kooban ee ILLAAHAY ka soo yeedhsiiyay, waxaana Al-Shabaab kii goobta ku sugnaa ay durba soo xidheen Ninka isagu Inkiray ilmihiisa ee Gabadha toddobada dharaarood jirtay ee uu dhalay ku Markhaati-furtay inuu Aabbeheed yahay.
Waa Mucjiso ILLAAHAY ummaddiisa ku tusiyo awooddiisa, waana dhacdooyinka Dhif iyo Naadirka ah ee Adduunka ka dhacay mid ka mid ah Al-Shabaab, ayaana dhowr mar sidan oo kale Rag iyo Dumarba xukun Dil ah ugu fuliyey, iyagoo u cuskanaya inay Gogol-dhaaf ama Galmo Xaaraan ah sameeyeen, waxaanay arrintani Tusaale u tahay Kooxda Al-Shabaab ee intay kufsadaan, ama ka sinaystaan ama si qarsoodi ah ku guursadaan Haweenka Soomaaliyeed ee Masaakiinta ah haddana dafiraya, isla markaana ku eedaynaya Gogol-dhaaf iyo Galmo Xaaraan ah inay sameeyeen, ka dibna ku fuliya Xukunnada Dhagax-ku-dilka ah.!
Kooxdan Mannaxayaasha ah ayaa laga werwer-qabaa inay dadka Qoyska ay Haweenaydan ilmeheedu hadlay ka dhalatay ee Waraysiga siiyey Idaacadda Muqdisho inay laayaan ama ay siyaabo kale iyagoon dilin u dhibaateeyaan, sida xadhig, garaacis iyo inay dembiyo aanay gelin u sameeyaan si ay u ciqaabaan amaba u dilaan.