“Waxaanan qabaa in aannu tabashadooda diyaar u nahay, waanan xallinaynaa, waxaanan rajaynayaa inaannu arrintaas soo gebageyno si dhaqso ah”– Md. Cali Maxamuud Axmed (Sandulle)
Hargeysa (Hubaal)- Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegtay in kooxaha nabadiidka ah ee Khaatumo yihiin muwaaddiniin reer Somalilland ah, diyaarna loo yahay in tabashadooda la xalliyo, lagana qaybgeliyo talada dalka iyo dawladdaba.
Wasiirul-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobollada Bari Md. Cali Maxamuud Axmed (Sandulle) oo saxaafadda ugu warramay shalay magaalada Hargeysa, ayaa shaaciyey inay xukuumad ahaan rajaynayaan in si dhaqso ah loo soo gebagebeeyo xallinta xiisadaha ka taagan qaar ka mid ah degaannada bari ee dalka, isagoo xubnaha Khaatumo la baxay ugu baaqay inay dalkooda iyo dadkooda u yimaaddaan, kalana qaybqaataan horumarka iyo xasilloonida.
“Farriinta aan Khaatumo u dirayo waxaan odhan lahaa Khaatumo waa dad reer Somaliland ah oo maaha dad meel kale ka yimi. Waxaan leeyahay kaalaya oo xukuumada iyo dawladaba gacanta nala geliya, dadkiiniina way ku jiraan, meel kale oo aad maanta tagaysaan amma talo kale u gaynaysaana ma jirto. Dad reer Somaliland ah ayaad tihiin oo tabashadiinana waa la oggolyahay, waxaanan qabaa in aannu tabashadooda diyaar u nahay hadda oo waxa la ii magacaabay ayeyba tahay, waanan xallinaynaa, waxaanan rajaynayaa in aannu arrintaas soo gebagebayno si dhaqso ah, waxaanan leeyahay dadkiina iyo dalkiina u kaalaya oo aan haggaajino,” ayuu yidhi Md. Cali Sandulle.
Waxa kaloo uu tilmaamay in aan diyaar loo ahayn in xabbad iyo colaad lagu xalliyo wixii tabashooyin ah ee jira, laakiin loo baahan yahay in nabad iyo wadahadal la isku afgarto, waxaannu yidhi; “Diyaar looma aha in xabbad iyo dhibaato wax lagu xalliyo, nabad ayaana diyaar loo yahay, isaguna nabadda ha ka qaybgalo, waana la soo dhawaynayaa cid kastooo nabad haysa, xabbadna cid ku degdegaysa iyo cid diyaar u ah ma jirto, annaguna diyaar uma nihin.”
Md. Cali Maxamuud Axmed (Sandulle) oo ka hadlayey warar sheegay in Wasiirul-dawlihii hore ee Gobollada Bari Mr. Kayse Cabdi Yuusuf ku biiray kooxaha nabad-diidka ah ee Khaatumo, waxa uu sheegay haddii arrintaasi jirto inay ceeb iyo magac-xumo ku tahay masuulkaas, “Haddii uu wax tarayo horena wuu u joogay, haddana halkii ayuu marna soo noqday marna sii noqday, wax macno lehna samayn mayso, isaga ayeyna ceeb ku tahay in isagoo wasiir ahaa uu haddana meel kale tago,” ayuu yidhi Wasiirul-dawluhu.