RADIO HUBAAL Ka DHEGEYSO: Xaaska Wasiir-ku-xigeenka Ay Xalay Xukuumaddu Mirtay Oo Nooga Warrantay Sida Wax U Dhaceen iyo Halka Laga Qaniinay Odaygeeda+ tirada Dhaawaca+Ka Bogo SAWIRRADA Khasaaraha Guriga Soo Gaadhay

0
54

“… 1:30-kii Ayay Na Soo Galeen, 3:00-Dii Habeennimona Way Naga Tageen..Waxa La Kaxeeyey Cabdillaahi Iyo 3 Inan Oo Staff Ahaa Oo Mid Dhaawac Ay Ku Qaateen…”
“Waxaana Odaygayga Lagu Eedaynayaa Muuse Biixi Buu Ka Garab Hadlay, Dembi Uu Galay Oo Kale’se Ma Jiro…. Hadday Sidan dawladda KULMIYE ku sii socotoo, Rag Ciil Cadaab Ka Dooray,”-Marwo Sacdiya Maxamed Cilmi oo ah Oorida Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga ee Ciidammadu kaxaysteen

4

“Kowdii iyo badhkii habeennimo ayay na soo galeen markaa xabbad ayay nagu bilaabeen, innamo ayaa joogay guriga Istaaf ah, Innamadii bay xabbado isku rideen, markaa xabbada kala garan maayo anigu kuwan iyo kuwaas waxay ridayeenne laakiin bambooyin baa nalagu ridayay sun baa nalagu tuuray, suntan dadka ka ilmaysiisa” sidaa ayay tidhi Marwo Sacdiya Maxamed Cilmi oo ah Oorida Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga ee Ciidammadu kaxaysteen, oo iyada aanu guriga la gelalafay ku booqanay saaka daakirraadii subax wax yar ka dib markii ay ciidammadu ka tegeen, waxaanay intaa ku dartay iyadoo ka hadlaysa khasaaraha dhacay “Caruurta qori dabadii baa lala dhacay, aniga waa la layla dhacay, guriga xabbado ayay ku dhufteen, albaabadii way jaban yihiin, Inan bay laba xabbadood ku dhufteen dhiigiisii waad aragtay, kabadhada way jajabiyeen, annagana way na rigaaxeen…laba mobile way naga maqan yihiin immika, si weyn bay noo laayeen, aniga qori dabadii bay igu wadeen oo xabbada ayay iskaga kay dhigayeen”. Ayay hadalkeeda ku ladhay.

Marwo Sacdiya oo aanu sii waydiinay su’aal nuxurkeedu ahaa tirada dadka lala xidhay Odaygeeda, waxa ay kujawaabtay “ waxa la xidhay oo la kexeeyey saddex inan oo guriga nala joogay iyo Cabdillaahi, Inan Staff-ka ah laba xabbadood bay ku dhufteen oo waa dhaawac, isagiina way qaateen. Tirada dadka noo soo galay Soddon qof [30] way ahaayeen, waxa ku jiray nin Amarre la yidhaahdo oo Askari ah, waxa ku jiray hoggaankii ciidanka oo dibbedda taagnaa oo nin agtayada deggen ah, dad badan oo kale way ku jireen, Kowdii iyobadhkii habeennimo ayay na soo galeen, saddexdii habeennimona way naga tageen. Xaaladda noocan ahi waa tii faqash laga diiday, hadday sidan dawladda KULMIYE ku sii socotana, rag ciil cadaab ka dooray, iyaguba waa kuwii shalay Faqashta qoriga AK-ga ah kala hor tegeyey, taas uun baa u dembeysa, waxaana odaygayga lagu eedaynayaa Muuse Biixi buu ka garab hadlay, KULMIYE-haa kala jabay ee nin waliba afkaartiisa dhiibanayo ayaa lagu haystaa dembi uu galay oo kalese ma jiro.”.

5-vertDSC03768-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here