Rag La Sixray Oo Iyaga Oo Qaawan Socod Ku Maray Waddooyinka Mombasa

0
158

Ma aaminsantahay in uu jiro sixirka? , hagaag , saacadihii hore ee maanta ayaa waxa magaalada Mombasa ee dalka Kenya lagu arkay labo nin oo qaawan, kuwaasi oo midkood uu qoorta uga lusho mas.

Sida lagu faafiyay wargaysta Standard ee Kenya, labada nin ayaa la sheegay in la sixray kadib markii ay gaadhi ka xadeen nin kale.

Ninka gaadhiga laga xaday ayaa la sheegay in uu u tagay haweeney sixirka ku dheeraysa, taas oo u sheegtay haddii uu bixiyo lacag kun doolar ah in la arki doono tuugada oo muddugooda ah, oo socod ku maraya waddooyinka Mombasana.

Saakay aroortii hore ayaa mid ka mid ah dariiqyada waawayn ee Mombasa lagu arkay labo nin oo qaawan, waxaana usoo daawasho tagay dadkii meesha ka dhawaa oo dhan, iyada oo xitaa baabuurta ay galeen saxmad.

Waardiyeyaasha ganacsiyada aagga joogay ayaa labadii nin xoog ku waday, geeyayna mid ka mid ah saldhigyada booliiska. Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in islaantii raggan sixirtay ay saldhiga uga dabo tagtay, iyada oo sheegtay in ay gurigeeda gayn doonto si ay sixirka uga saarto.

Todobaadyo ka hor , dhacdo tan la mid ah ayaa laga soo sheegay magaalada Bungoma ee waqooyiga Kenya, halkaas oo nin tuug ah oo gaadhi xaday uu isu dhiibay booliiska kadib markii la sixray.

Balse booliiska Mombasa oo hadlay ayaa sheegay in dhacdadii maanta ay ahayd mid la jilay oo aanan dhab ahayn.

Xigasho: bbc

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here