“Rag Wasiiro Ah Oo Dawladdii Ku Jira Reerkoodii La Soo Saftaan Oo Halkay Reerka Ka Sixi Lahayeen, Sidii Aan Aabbahay U Saxayey Ayey Odhanayaan..”

0
91

“Somaliland Iyo Soomaaliya Markay Isku Darsadeen Inagaa Ka Tacliin Badnayn Inagaa Ka Iskuulo Badnayn Inagaa Ka Taajiriin Badnayn.”

Maanta Soomaalida Geeska Afrika Inagaa ugu Liidana, Inaan Dalkeena Ku Soo Celino Mawqifkiisii Oon Markale Ka Dhigno Waddan Weyn Oo Dhaqaale Leh Oo Dadkiisu Cunto Wanagsan Cunaan Oo Ay Qurux Bataan Laakiin Maanta Somali Inagaa Ugu Fool Xun

faysal-cali-warabe

Hargeysa(Hubaal) guddoomiyaha xisbiga Ucid Eng. Faysal cali waraabe oo shalay xaflad xisbigiisu ku lahaa huteel guuleed oo ay taagerayaal ku soo birayeen ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa. Gudoomiyuhu waxaa uu ka hadlay wadahalkii ay la galeen maamulka khaatumo ee ka dhacay magaalada Addis ababa ee waddanka itoobiya. Isagoo arimahaas iyo kuwo kale-ba ka hadlaya waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “Barigii dhawayd waxaan u baxnay aniga iyo group-kale oo wada soconaa waxaan u baxnay wadanka itoobiya , waxaan u baxnay in aan la kulano walaladeena reer khaatumo ee professor cali khaliif madax u yahay oo waxaanu ka shaqaynaynay inay Somaliland cidna ka maqnaan inakoo midaysan oo hal qoys ah inaynu galno doorashadda ayaanu ka shaqeynaynay wanaagna wuu ku dhamaaday insha allah waxaanu jecelnahay inaanu ku soo af-jarno khilaafkii inaga iyo khaatumo ina dhex yaalay. Waan dhaafay oo waxaan tagay waddanka kuwayt oo aad inoo caawiya oo hay’addaha  agoonta inoo sameeyey  oo cusbitaalo inoo sameeyey ayaan dadkan bakhtiyaya ee abaaruhu hayaan aan mucaawimo inooga doonay, labada xisbi ee kale waxay bilaabeen intii aan maqnaa een dalka dibada uga maqna inay kolba qof u tagaan oo ay idhaahdaan lacag qaado oo ucid ka soo bax oo ucid way baaba’day ee ka kaalay waxaa igu maqaala in qaarkood loogu balan qaaday land cruiser labaatan kun oo dollar ah, siyaasaduna maaha xisbi baan ka soo baxay oo qofbaa ii soo galay siyaasadu maaha ee waxaa weeyi dadka maxaad u haysaa eed dalka baahidiisa maxaad ka qabanaysa .

Aduunka laguma arag Somaliland mooye qof inta uu idhaahdo xisbi baan ka baxay oo xaflad loo sameeyo lama arag, waxaa lagu kala saara madaxda tartamaysa maxay wadaan maxay u taagan yihiin siyaasadooda tacliintu waa maxay biyaha waa maxaay caafimaadku waa maxay siyaasada dibadu waa maxay ayaa lagu kala baxaa.

Reer hebel baa isoo galay iyo inan yar baa isoo gashay oo caytamaysa taas maaha,  siyaasadii way inaga xumeeyeen.” Ayuu yidhi faysal cali waraabe

Gudoomiye faysal oo hadalkiisa ayaa ka hadlay waxaa uu doonayey in uu dalka ka qabto waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “Aniga faysal ahaan halkan umaan iman in aan dawlad ka kooban reerkayaga inaan sameeyo, inaan anigu lacag samaysto halkan umaan iman, waxaa loo imid in dalka wax laga qabto, Somaliland iyo soomaaliya markay isku darsadeen inakaa ka tacliin badnayn inakaa ka iskuulo badnayn inakaa  taajiriin badnayn , maanta soomaalida geeska afrika inagaa igu liidana kilidhka shanaad ba ina dhaama oo aynu u dagaalanay oo soomaaliweyn inoo gaysay, inaan dalkeena ku soo celino mawqifkiisii oon markale ka dhigno waddan weyn oo dhaqaale leh oo dadkiisu cunto wanagsan cunaan oo ay qurux bataan maanta Somali inagaa ugu fool xun, waayo gaajo iyo qaad baa ina dilay cunto xumaa ina dishay dhaqaale xumaa ina dishay biyo la’aan baa ina dishay caafimaad la’aan baa ina dishay tacliin xumaa ina dishay intaa inaan kor u qaadno ayaan meesha u imid haduu illahay igu guuleeyo oo ay khayr ii leedahay.”

Waxaa uu ka sheekeyey qabyaalada halka ay marayso isagoo ka hadlayana wuxu ku bilaabay sidan: “Walalayaal qabyaalada aniga waad I taqanaan hadii aan qabyaali ahay hadii  casur jaahiligii la eego  anigu halkaan ka soo jeedo waa la yaqaana hooyadayna halka ay ka soo jeedo waa la yaqaana nin iga laan dheeraysana ma jiro magaalada hargeysa iyo Somaliland, laakiin casrul jaahiligii waa la dhaafay qaran baa lays kugu faana waxa layskugu faana yaa waddankiina wufuda uga qayb gala yaa waddankiina ugu tacliin badan imisaa caruurtiina iskuulka gasha caafimaadkiinu waa caynkee qaran baa lagu faana, ragan ku meeraysanaya tolaay yaa reer hebelaay, yaa subeer awalaay, yaa garxajisaay anigu waxaa uf-baan idhaahda labadaba waan ka soo jeeda laakiin labadaba uf-baan idhi.

Qaran baan donayaa caruurtayda baraf baan kaga tagayaa laakiin qaran baan idin samaynayaa, dhalinyaradaas maanta halkaas joogta subeer awal-na waxba uma tari karo, garxajisna waxba ma tari karo qaranbaa wax u tari kara.

Baasaboor ma haysataan cafimaad ma haysataan bilaasha, caruurteeni iyo aabayaashood waxay baasaboor u doontaan garoowe ma xishoonayno.”

Dhinaca kale waxa uu ka waramay mar ay beesha cidagale ku kacsanayeen dawladdii ina cigaal iyo doorkii uu ku lahaa dhexdhexaad beesha iyo dawladdii maxamed xaaji ibraahim cigaal isagoo ka hadlayana wuxu ku bilaabay sidan: “Maalintii maxamed xaaji ibraahim cigaal lagu kacsanaa aabahay baan ka hor imid oon idhi garxajis ma jiro ee qaranka ha burburin maalintaa waxay odhan jireen wuxuu ugu balan qaaday maxamed xaaji ibraahim cigaal maayirnimo, umaddani waxa weeyi umad aan ka fikirin oon is odhanayn qofkaasi wanaag buu ka talinayaa ee waxay odhanayaan waxbuu u jeeda, maalintaa aan sidaa lahaa ee aan lahaa aabo sidaa ka jooji  ma tii aan aabahay igu jawaabi lahaa bay ahayd mise waxaan odhan lahaa aan iska celino maxamed xaaji ibraahim cigaal laakiin qarankaan u tudhayey, maanta’se qarankii loo tudhi maayo, Maalintii dhaweyd ee Jamaal is casilay waxay idhaahdeen waxaa uu dhisayaa muuse biixi waar aniga maad I dhistaan waxaan ahaa ninkii maxamed xaaji ibraahim cigaal hor istaagay ee ku yidhi waan kula tartamayaa maantana abaar baa jirta abaartii mawqifka aan anagu ka duulnaa waa ta umadda.” Ayuu yidhi faysal cali waraabe.

Maalintii halkaas afarta nin ee cidagale lagu dilay biyaha  ee magaaladu kala xidhantay anaa dhagarta ka qaaday cidkale-na kamay ogolaan ee anigay iga ogoladeen waanay mahadsan yihiin.

Markaan idhi waar aniga waxay ila tahay in aan doorashadu suurto gal ahayna waxay idhaahdeen faysal wuu garxajiseeyey marka meelna kuu dayn maayaan waa umaddaa qabiil uun ka hadlaysa.

Aniga ismaaciil buubaa waa awawgay iskuulka isagaa I qoray muxuu ii soo gaadhi waayey de mabda baanu ku kala tagnay ha moodin inuu I neceb yahay waa awawgay laakiin kala mab’da baanu nahoo markuu isagu dagaalka waday ana nabad baan waday, markuu federaalka waday ana gooni isu taag baan waday hadana wuu inoo imidoo wuxuu wado illahay baa og.

Gudoomiye faysal cali waraabe sheegay in wasiiro xuumadda ka tirsan ay diidan yihiin in saldhiga berbera imaaraadku ka doonayaan oo ay reerkoodii ay raaceen waxanu yidhi: “ maalintii inaga DP World illahay inoo keenay waad ogayd oo waatii qabiil lagu dhawaaqay ee reer hebel hala soo maslaxo khayraad dalka iyo dhulka lama kala laha dawladdaa ka mas’uul ah, maalintii 93-kii aan halkan imid ee dhalinyartii cidagale la yidhi meesha ka saara oo airport-ka ha dhiibeen anaa lay diray odayaasha yidhi la soo hadal waan u tagay waxay idhaahdeen waanu dhiibaynaaye horta dekadda berbera hala dhiibo waxaan idhi tani waa caasimadiiye oo iyadaa soo horayse horta iyada dhiiba baanu ku nidhi, maalintii dhawayd ee DP World ay ka hadleen reer berberi ayey ii yeedheen waxay I idhaahdeen faysalaw maalintii miyaanan ka saxsanayn waxay ahayd in maalintaas nalaga wada wareejiyo’e way caqliyeysteen maalintii dhawayd ee airport-ka la kordhinayey laba boqol oo reer oo cidagale ah oo intaas oo sanadood daganaa ayaa laga qixiyey oon hadal markaa way arkeen faa’idada ay leedahay marka meesha la hor mariyaa hada waxaa nasiib darro ah garoonkeena uu isticmaali jiray siyaad barre ee uu marna ka iibshay ruushka marna ka iibshay maraykanka ee intaas oo milyan ka keeni jiray ayaa maanta aduunkii u soo jeedsaday nabad-galyada aagga aynu daganahay aawadeed imaaraadkii baa soo dalbaday imaaraadku haday inoo imaadaan itoobiya iyo imaaraadku way is ogolyihiin way wada socdaan, itoobiyaa diidaysa itoobiya dalka ma xukunto ee inagaa waddankeena xukuna, faa’iido may noo leeyahay inaynu helno inay isticmaasho airport-keenas oo imaaraadka carabtu oo maanta intii yarayd ee aanu qaadanay ay baasaboorkeena inoogu dhuftaan, mucaawimo ina siiyaan oo ay inoo dhisaan    wadadii uu xasan sheekh maxamuud hor istaagay ee uu world bank-ga inaga xanibay imaaraadka inoo dhisi doona maanta hadaynu airport-keena ku dhiirano waxay inoo dhisi doonaan ciidamadayney inoo tababari doonaan kuwa baday inoo tobabari doonaan shaqaynu ka heli doonaa waxay noqon doonaan waddan ina ilaaliya oo heshiis la galno, in marka arimaha noocaas ah laga hadlayo rag wasiiro ah oo dawladdii ku jira ay reerkoodiii la soo saftaan oo halkay reerka ka sixi lahayeen oo sidii aan aabahay u saxayey u sixi lahaayeen ayey odhanayaan odey jaahil ah oo qaad cunaya oo aan garanayn faa’idada ay meeshu leedahay iyo inta aanay garanayn banka la xidhayo faa’idada uu u leeyahay qaranimo inaga dheer.” Intaas ayuu hadalkiisii ku soo gunanaday.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here