Madaxweynaha Qaranka Somaliland Iyo Taliyaha Ciidammada Qalabka Sida Ee JSL Oo Ka Hadlay Weerarkii Gaadmada Ahaa Ee Ay Malleeshiyada Puntland Kusoo Qaaday Ciidamada Qaranka+ Shacbigana U Diray Farriin Laabta U Qaboojisey
“Dagaalkaasi afar saacadood & badh ah ayuu socday, Waxaananu Ka Qabsanay Lix Baabuur Oo Midi Taangi Yahay, Maxaabiis Badan & Dhaawac Badanna Waa La Hayaa”- Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taanni
++++++
“Cadowgayagana waxa aanu u sheegaynaa maanta gacanna waxa aanu ku haynaynaa difaaca dalka, gacanna waxa aanu ugu dabbaal degaynaa qaran-nimadayada Somaliland” Madaxweyne Muuse Biixi
Hargeysa(Hubaal):-Taliyaha ciidammada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taanni ayaa ka hadlay dagaalka culus ee shalay dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa soomaaliya gaar ahaan maamulka Puntland. Taliya Nuux Taani oo xilli uu shalay kusugnaa jiidda hore ee Ciidammada Qaranku ka caydhsadeen ciidanka Puntland ee Tukaraq ee gobolka sool la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey dagaalkan iyo guullaha ay ciidammada qaranku kasoo hooyeen islamarkaana ku baacsadeen gacantii gaadmadaku soo weerartay “Waxa na soo weeraray ciidanka Puntland kuwaas oo naga soo weeraray jiida Hawdka, laba jeer ayaanay na soo weerareen oo subaxii mar ayey ahayd, kawdii iyo wixii ka dambeeyeyna weerar ayey nagu soo qaadeen, weerarkaas waa la celiyey, waxaana ka dhintay inta aanu ognahay sadex qof, waxaana ka dhaawacmay shan qof.” Taliye Nuux Ismaaciil Taani oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay dagaalka ka dhex maray ciidamada Puntland waxaanu yidhi “Saaka [shalay] subaxii oo ilaa todobadii ku beegan weerar balaadhan oo laba jiho ah oo xaga hawdka iyo xaga Garoowe ah ayaa ciidamo balaadhani naga soo weerareen, Dagaalkaasina muddo ilaa afar saacadood iyo badh ah ayuu socday, dhimasho iyo dhaawacba waa jiraan dhan walba, waanan ka saarnay God Qaboobe, waanan jabinay labadii aagba, waxaanan ka qabsanay lix baabuur oo midi taangi yahay, maxaabiis badana waan ka qabanay, dhaawac badana waa la hayaa, dhulkii ay joogeena anaga ayaa joogna oo ciidanka qaranka ayaa ku sugan.” Ugu dambayn Taliye Nuux Taani ayaa shacabka somaliland ugu bushaareeyey in ciidamada somaliland ay gaadheen guulo waa weyn waxaanu yidhi “Inkasta oo aanan jeclayn [inaan ka hadlo] dhimashada labada ciidan ka dhex dhacday hadana waxa kaliftay cidii soo qaaday, maantana anaga ayaa guusha joogna oo waanu ka kaxaynay aagii ay joogeen, umada somaliland-na waxaan leeyahay ciid wanaagsan, mar labaadna ciidankeenu xagaasna salaanta ayuu ka maray xagana wuu ka guulaystay.”
Geesta kale Madaxweynaha qaranka Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo shalay mar uu khudbad ka jeediyey munaasibadda xuska 18ka MAY oo ah sanad guurada 27aad ee kasoo wareegtay markii ay Somaliland madaxbanaannidii ka fool hallowday 1960-kii kala soo noqotay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalka gaadmada ah ee ay malleeshiyada Puntland ku sooqaaday Ciidammada qaranka ee Tukaraq kusugan, waxaana uu madaxweynuhu farriin laabta u qaboojisay u diray guud ahaanba shacbiga reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan, gaar ahaanna waxaa uu ammaan ballaadhan iyo bogaadin u diray ciidammada qalabka sida oo uu kutilmaamay kuwo naftooda u huraya difaaca qarankooda.
“Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa ma-seexdayaasha, lagu seexdo, halyeyada aan hadh-galin ee surin colaadeed iyo saymo dhaxameed u jooga difaaca Qarannimadda Somaliland. Waxaan leeyahay Ciidammada kala duwan ee Qarankeena, kaalinta aad ugu jirtaan jiritaanka dalkeenu waa kaalin muuqata oo u tirsan shacabkiina, taariikhdana idiinku jirta”. Sidaas ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaana uu intaa ku daray “ Dhammaanba shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba waxa aan ku wargelinayaa in Soomaaliya ay weerar qaawan oo xooggan kusoo qaadday qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo ciidamada qaranka ee jiidda hore, dagaalkiina uu ilaa hadda socdo, waxa kale oo aan u sheegayaa in ciidamada qaranku ay guul la taaban karo ka gaadheen, dhammaanba jiidihii laga soo weerarayna ay ka gaadheen guul la taaban karo oo ay weliba hub ka furteen”. “ Caalamka waxa aanu u sheegaynaa in saddexdii bilood ee ugu dambeeyey ay 25-goor (shan iyo labaatan goor) ay nasoo weerareen ama ay rasaas kusoo rideen ciidamada Soomaaliya, kuwa Jamhuuriyadda Somaliland ee dalkooda deggen, iyaga oo nagu soo xad-gudbay oo gudaha Somaliland soo galay 60KM(Lixdan kiiloo miter) oo xadka kasoo gudbay, intaasna waxa aanu ku jirnay oo cid kasta oo ergo ahi nagu waaninayeen in dagaal laga feejignaado, intaabana nabad baanu u taagnayn iyo wada-hadal, wayse ka maari maayeen inay nasoo weeraraan. Waxa aanu u sheegaynaa ragga nasoo weeraray inaanu u dhigi doono casharkii aanu u dhignay Af-weyne iyo kuwa ay wax moodayaan ee Moorgan Gaanni kuwii ay soo qaadeen, waxa aanu u sheegaynaa inay nasoo xasuusiyeen dagaalladii soddon sano ka hor dalka ka dhacayey iyo wixii lasoo maray, “Cadowgayagana waxa aanu u sheegaynaa maanta gacanna waxa aanu ku haynaynaa difaaca dalka, gacanna waxa aanu ugu dabbaal degaynaa qaran-nimadayada Somaliland” ” ayuu Madaxweyne Biixi Yidhi.