Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige [Shabeel]
Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Shaamac shabeel, ayaa meesha ka saaray miidaanka iyo tayada iyo sheegtaan xubnaha dibad-wareegga ah ee hore uga cadhooday xisbiga KULMIYE, kuwaas oo la filayo inay ayaamaha soo socda ku biiraan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Mudane Jaamac Shabeel oo la hadlay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, ayaa sheegay in intii badnayd xubnihii xisbiga ka cadhooday dib usoo laabteen, isla-markaana qaarkood xilal loo dhiibay, isagoo kuwa kale ugu baaqay inay xisbigooda kusoo laabtaan,“Raggii naga cadhooday badidoodii way soo noqdeen oo qaar baa xukuumadda dib xilal uga qabtay, inta yar ee hadhayna waanu soo dhaweynaynaa, laakiin haddii ay meel kale dan u arkaan iyagaa ikhtiyaarka leh.” Ayuu yidhi Jaamac Shabeel.
Guddoomiye Jaamac Shabeel waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE yahay mid aan waxba u noqon doonin xubno danahooda ka arkay meel kale, waxana uu hoosta ka xarriiqay in sababta xisbiyada loo sameeyey tahay sidii nin weliba meesha uu dantiisa ka arko uu ugu hawl geli lahaa sidii uu mabda’iisa ugu gaadhi lahaa.
Xubnaha ka cadhooday xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ku biiraan xisbiga WADDANI, iyagoo la ogyahay in xubno miisaan leh uu ex. Wasiir Samaale ka mid yahay ay ka noqdeen fikirkii ay hore u qaateen, isla markaana dib ugu noqdeen xisbigii ay kasoo aflaxeen ee KULMIYE.