Taariikh-nololeedka Iyo Khibradii Siyaasiyadeed Ee Marxuum Aw Jaamac Diir-qadhaadh Oo Ahaa Xubintii Ugu Nolol Dembeysay Golihii 33-ka Xubnood Ka Koobnaa Ee Baarlamaankii 1960 Ay Jamhuuriyadda Somaliland Lahayd
Hargeysa (Hubaal)- Alla ha u naxariistee waxaa toddobaadkan ku geeriyooday wadanka Zambia Marxuum Jaamac Cabdillaahi Qaalib (Aw Jaamac Diir-qadhaadh) oo ahaa Ra’iisal barlamaankii golihii Baarlamaankii u horreeyey ee Somaliland yeelato Markii xorriyadeeda ka qaadatay Ingiriiska 1960-kii. Marxuum Jaamac Diirqadhaadh waxa uu ka sii noolaa amaba uu ahaa xubinta kaliya ee ka sii nool 33-kii xubnood ee Baarlamaankaasi ka koobnaa.
Kuma Ayuu ahaa Aw Jaamac-Diirqadhaadh?
Jaamac Cabdillaahi Qaalib [Diir-qadhaadh] waxaa uu ku dhashay Magaaladda Hargeisa 1930kii Xaafadda Jameeco weyn. Madrasaddii sheikh Harun oo uu quranka xafdigiis ku Bartay. Aden (south Yeman ) oo uu kordhistay afka carabiga. UK oo joogay 5 sano si uu aqoontiis kor ugu qaado,siiba afka ingriisiga. . Jama xaata intu xamar uu joogay wuxu qaatay courses farabadan oo mamulka iwm..Nin aad u diirgalya aqoonta iyo waxbarashada. Dawar weyn ka qaatay intii uu joogay afrika Zambia fidiinta diinta islaamka, ahaan xubin aad u firfircoon. Surtogaliyay in Salaxally laga sameeyo dugsi
Gudoomiyihii ugu horreeyay ee Barlimaankii midowgii Soomaaliyeed ee 1960kii, Jaamac Cabdillaahi Qaalib wax uu dhowaan ku geeriyooday Lusaka, Zambia. Allah ha u naxariistee, Jaamac wax uu ahaa shakhsi diinta Islaamka ku wanaagsan aqoonna u lahaa, oo naanays-tiisuba wax ay ahayd, ‘AwJaamac’, oo turjimadeedu tahay af Soomaaliga, ‘saaxibu diin.’ Wax uu ahaa nin hufan oo dhaqan wanaagsan, dadkana ixtiraama. Wax uu ahaa qof aqoonta guud ee dunida si fiican u yiqiin, mutacallimna ahaa oo si fiican u yiqiin luqadaha Carabiga iyo Ingiriisga, kuwaas oo u dheeraa af-kiisa hooyo, Soomaaliga. Dhallin yara-nimadiisii wax uu u dhoofay dalaka Carabta oo u tegay waxbarasho iyo shaqoba, wax uuna ku dambeeyay oo muddo dheer ku noolaa, kana shaqayn jiray dalka Ingiriiska. Wax uu ku soo noqday Somaliland badhtamihii kontonaadkii (1950s), kana bilaabay ganacsi heer sare ah. Ku soo noqod-kiisii dalka wax ay la kowsatay dhadhaqaaqii ka dhiidhigii dadka Soomaaliyeed ka damqaday wareejinti Isticmaarkii Ingiriisku u wareejiyay Xabashida qayb ka mid ahayd dalka Soomaaliyeed (Hawd iyo Reserved Areas), iyo dhaqdhaqaayadii xornima doonka. Jaamac wax uu ka mid ahaa 1957 assaasayaashii xisbigii gobanimada dhaliyay ee Somali National League (SNL), door weyn oo wax ku ool ahna ka qaatay. Doorashooyinkii ugu horreeyay oo ka dhacay Soomaaliland bishii Feb. 1960kii, Jaamac wax uu ka mid noqday xubnihii Baarlimaankaas, isagoo laga soo doortay Salaxlay ee Degmadii Hargeysa. Doorashadaas kadib wax aa loo doortay jagadi Ku-Xigeenka Afhayeenkii Baarlimaankii Somaliland. Kadibna, midowgii Soomaaliyeed ee koonfur iyo waqooyi wax aa loo doortay Guddoomiyihii Barlimaanka. Doorarka siyaasadeed ee qaran oo uu Jaamac gutay muddadii uu xilkaas hayay wax aa ka mid : 1. 1962 wax uu hoggaamiyay wafti xubno baarlimaan oo booqasho ku tegay dalka Ingiriiska si ay ugala soo hadlaan dhaqdhaqaaqii xornimo doonka ahaa ee dadka Soomaaliyeed ee NFD (Northern Frontier District) oo hadda ah Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya . 2. 1963 wax uu hoggaamiyay wafti xubno baarlimaan oo booqasho ku tegay dalkii loo yiqiin ‘Soviet Union (USSR)’, isagoo farriin ka sii qaaday Wasiirkii 1aad ee Soomaaliya (Somali Prime Minister) Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo uu u geeyay Khruschev, Wasiirkii 1aad ee USSR, kuna qanciyay Khruschev muhiimadda ay arrintaasi u la hayd ummadda Soomaaliyeed, taas oo ay ka dhalatay in USSR hubeeyo Ciidamadii Qalabka Siday ee Soomaaliyeed (Somali Armed Forces). Ilaahey Naxariistii Jano ha ka Waraabiyee Jama Waxaa uu ifka kaga Tagay Todoba Caruur ah Shan hablood iyo laba wiil.
Waxa Taariikhdan soo ururiyey: Golaha dhalinta Qalinka Daa’uud