Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyay Gollaha Wasiiradda

0
14

Muqdisho (Hubaal) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isku shaandheyn uu ku sameeyay golahiisa wasiirada, waxa uu magacaabay wasiirro cuusb oo booskooda uu hore u bannaanaa.

Xubnaha cusub ee wasiiradda ah ee la magacaabay ayaa waxaa warbaahinta u akhriyay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, ayaa warbaahinta u akhriyay wasiirrada cusub ee uu ra’iisul wasaaruhu magacaabay.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare, ayaa waxaa loo magacaabay C/llaahi Goodax Barre, waxaana lagu bedelay wasiirkii xilka laga qaaday Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

Sheekh Nuur Maxamed Xasan, ayaa isna loo magacaabay wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, waxa uuna horey u hayay wasaarada xanaanada xoolaha.

Wasiirka xanaanada xoolaha ayaa loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen.

C/llaahi Bidhaan Warsame, waxaa loo magacaabay wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Sidoo kale wasiiru dowlaha Madaxtooyada ayaa loo magacaabay Cabdikhaadir Sheekh Cali Baqdaadi, waxaa uuna bedelay Khaliif Cabdikhaadir Macalin Nuur oo horey u hayay xilkaasi.

Shawaqar Ibraahim Cabdalla, wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here