Hogaamiyaha mucaaradk Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay inuu maxkmadda ugu sarreysa dalka geyn doono dacwad ka dhan ah natiijadii doorashada madaxtinnimada Kenya ee lagu dhawaaqay todobaadkii la soo dhaafay.
Mr Odinga oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in doorashadaasi loogu shubay Uhuru Kenyatta. Guddiga doorashada ayaa hore u beeniyay eedeyntaasi.
Xisbiga Odinga ee NASA ayaa hore u sheegay in aanay tegi doonin maxkamadda, balse Odinga ayaa maanta sheegay in gao’aankaasi ay qaateen ka dib markii ay arkeen ”sida ay dowladda ugu cagajugleyneyso hay’adaha aan dowliga ahayn ee doonayay inay maxkamadda geeyaan dacwad ka dhan natiijada doorashada