Ra’isel Wasaare Kheyre Oo Sheegay Inuu Magacaabay Shakhsiyaad Karti U Leh Meelmarinta Qoroshaha Xukumaddiisa

0
42

qaar kamid ah xubnaha la magacaabay

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, wuxuu maanta magacaabay gole wasiirro ah oo ka kooban 26 xubnood oo uu ku jiro wasiirkii horee arrimaha dibadda oo haatan loo magacaabay inuu noqdo wasiirka maaliyadda iyo weriye hore uga tirsanaa BBC-da oo noqonaya diblomaasiga ugu sareeya ee Soomaaliya.

Khayre oo xilkan uu u magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Maxamed bishii hore, ayaa liiska magacyada wasiiradiisa ka hor akhriyey warfidiyeenka.

Madaxweyne Farmaajo laftiisa waxa bishii hore loo dhaariyey xilka ka dib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maamulkiisa ay shacabka iyo dalalka reer galbeedkuba ku dhaleeceeyeen fadeexado musuqmaasuq.

Madaxweynaha oo hore u soo noqday ra’isal wasaare isla markaana haysta dhalashada dalka Maraykanka ayaa ballan qaaday inuu wax ka qaban doono gaajada, musuqa iyo colaadda ragaadiyey Soomaaliya oo muddo rubuc qarni ah dagaallo sokeeye ka socdeen.

Xilalka Muhiimka ah

Ra’isal wasaaruhu wuxu u magacaabay Cabdiraxmaan Ducaale Beyle in uu noqdo wasiirka maaliyadda halka u Yuusuf Garaad Cumar na u magcaabay in uu noqdo wasiirka arimaha dibadda. Beyle oo ahaa dhaqaaleyahan ka tirsanaan jiray Bankiga Horumarinta Afrika, ayaa hore u soo qabtay xilka wasiirka arimaha dibadda intii u dhaxeysay 2014 ilaa 2015. Yuusuf Garaad oo isna haysta dhalashada Ingiriiska ayaa ahaan jiray madaxa laanta af-Soomaaliga ee BBC-da.

Xubnaha kale ee xilalka muhiimka ah loo magacaabay waxaa ka mid ah Cabdi Faarax Juxa, oo siyaasadda socod barad ku ah oo isna loo magacaabay wasiirka arimaha gudaha.

Rallisalwasraaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo magacabaay sida uu hadalka u dhigay ”shaqsiyaad matali kara shacabka, lehna karti ay ku meel mariyaan Qorshaha Xukuumadeyda”

Ra’isal wasaare Khayre wuxu ahaan jiray agaasimaha heer wadan ee shirkadda Ingiriiska ee Soma Oil and Gas u qaabilsan Soomaaliya. Magacaabistiisa qudheeda ayaa muran ka dhasay maadaama khubaro Qaramada Midoobay ka tirsani ay hore ugu eedeedyeen shirkaddaas in ay wasaaradda baatroolka Soomaaliya siisay ku dhawaad 600,000 oo Doolar si aanay ugaga noqon heshiis sahamin ahaa oo ay shirkaddu ka heshay dalka sannadkii 2013.

Laanta dawladda Ingiriiska u qaabilsan la dagaalanka dembiyada culus ee dhaqaalaha ayaa shirkadda baartay, hase yeeshee may helin cadaymo sababi kara in maxkamad la hor geeyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ballan ugu qaaday dadka in uu soo af-jari doono marxaladda Al-Shabaab iyo kooxaha kalee mitidiinta Islaamiyiinta ah, isagoo sheegay in dagaalyahannada kooxahaas loo suurto galin doono “nolol habboon” hadii ay isa soo dhiibaan.

Golahan wasiirada ee uu magacaabay ra’isal wasaaruhu ayaa maalmaha soo socda la hor geyn doonaa baarlamaanka si uu u ansixiyo.

Liiska wasiirada

Wasiiradda magacyadooda la shaaciyey ayaa tiradoodu tahay 26 oo shan xubnood (5) oo ka mid ahi yihiin haween. Liiska magacyada uu ra’isal wasaare Xasan Cabdi Khayre magacaabay oo aanay ku jirin wasiiru dawlayaasha iyo wasiir ku xigeennadu waxa uu u qornaa sidatan:

1- Avv. Mahdi Axmed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare kuxigeen.

2- Xildhibaan Iimaan Cabdullahi Cali Wasiirka Awqaafta iyo arimaha diinta

3- Cabdi Salax Saciid Juxa, Arimaha Gudaha

4- Cabdi Rashiid Cabdullahi Maxamed Gaashaandhiga

5- Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka arimaha dibadda

6- Cabdullahi Daahir CISMAAN Waxbarashada iyo Tacliinta

7- Cabdi Raxmaan Xoosh Jabril Wasiirka dastuurka

8- Amb Jamaal Maxamed Xasan Qorsheynta ,Maalgeshiga

9- Xildhibaan Maryan Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda

10- Maxamed Cabdullaahi Salaad Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka

11- Eng Cabdi Canshuur Xasan Wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta

12- Xildhibaan Sh.Nuur Maxamed Xasan Wasiirka Xanaanda Xoola

13- Khadra Axmed Ducaale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

14- Xildhibaan Cabaas Cabdullahi Sh. Siraaji Wasiirka howlaha guud iyo dib udhiska

15- Deeqa Yaasiin Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka

16- Xildhibaan Eng Cabdi Rashiid Maxamed Axmed Wasiirka batroolka iyo Macdanta

17- Xildhibaan Abuukar Maxamed Ducaale: Wasiirka amniga gudaha

18- Jeneraal Saciid Xuseen Saciid Wasiirka beeraha

19- Dr Fowsiyo Abiikar Nuur Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada

20- Dr Cabdi Raxmaan Maxamed Cabdi Qaasim Wasiirka Kaluuleymsiga iyo kheyraadka badda

21- Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriiye Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga

22- Eng Cabdi Raxmaan Maxamed Cismaan Yariisow Warfaafinta

23- Avv. Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaalada

24- Xildhibaan Saalax Axmed Jaamad Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha

25- Xildhibaan Saalim Caliyow Wasiirka korontada iyo biyaha

26-Dr Maryan Qaasim Axmed Wasiirka gargaarka

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here