Shir jaraa’id oo ay qabteen salaadiinta iyo cuqaasha beelaha jibriil yonis ayaa waxa si adag uga haldeen ciiddanka lagu soo rogay degmada Quljeed. Waxay salaadiintu sheegeen inay xukuumadda Somaliland ay qasayso arintan ka taagan gobolka Awdal ee ah suldaankii dhawaan shaaciyay inuu ka go’ay somalind,salaadiinta ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in dhankooda ay is xilqaameen oo ay u tageen suldaanka si ay ugala xaajoodaan go’aankii uu dhawaan ku dhawaaqay, salaadiinta ayaa waxay yidhaahdeen:” suldaanku waa suldaankayagii, annakoo kula shirayna degamada quljeed ayaa xukuumaddu waxay na dulkeentay ciiddan, markaa arintaasi way noo cuntami wayday, oo wadahadlkii annaka iyo suldaanka noo dhaxeeyay ayadaa burburisay, hadda laga bilaabo arintaaa masuuliyadeeda waxa dusha ku qaadanaya xukuumadda”. Sidoo kale waxay salaadiintu carrabka ku adkeeyeen inay xukuumaddu si deg deg ah ciidanka uga qaado degmada quljeed.
Shirkan jaraa’id ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii u dambeeyay xaaladda gobolka Awdal ahayd mid qasan oo xarumaha dadku isugu yimaadaan aad loogu hadal hayo arinta uu suldaan Abubakar Cilmi wabar ku dhawaaqay. Dadka u dhuun daloola arimahan ayaa sheegaya in go’aanka uu suldaanku qaatay yahay mid xaq ah marka loo eego qaabka ay xukuumaddu dhagaha uga furaysatay tabashooyinka gaamuray ee gobolada galbeedka Somaliland,inkastoo siyaasiyiinta la dhacsan xukuumadda kulmiye sheegayaan inuu suldaanka arintan ku dagdagay oo looga baahnaa inuu si salmi ah tabashadiisa usoo gudbiyo,wolow suldaanku u muuqdo mid ka quustay in tabasho salmi ah la hor dhigo xukuummadda maadaama tabashooyinkii hore ay xukuumaddu iska indho tirtay waa sida uu suldaanku sheegee.
Dhanka kale dad xog ogaal ah oo ku sugan degmada Quljeed noo xaqiijiyay in magaalada gudaheeda lagu arkayo ciidan ku dhex wareegaya suuqa iyo xaafaha degmada. Ciidanka la geeyay dagmada Quljeed ayaa waxay xarun ka samaysteen duleedka degamada, lama oga cidda hogaaminaysa ciidankaa, inkastoo warar lagu kalsoon yahay xaqiijiyeen in sareeye guuto libaax Rayaale oo ah abbaan duulaha labaad ee ciidanka qaranka uu ku sugay yahay degamada Quljeed si uu xaaladda u fududeeyo maadaama quljeed tahay degmada uu ka soo jeedo.
Salaadiinta gobolka Awdal uga miisaanka culus ayaa la sheegay inay xalay kulan kula qaateen xarunta madaxtooyada madaxwayne Siilaanyo, warar is khilaafsan ayaa kasoo baxay kulankaa degdegga ahaa ee ay salaadiinta iyo madaxweynuhu ku qaateen madaxtooyada, warar ka qaar ayaa sheegay in kulankaa lagaga hadlay hadalka ay xukuumaddu sida fiinta uga qayliday ee kasoo yeedhay suldaan Wabar, halka warar kalana sheegayaan inay xukuumaddu qalinka ku duuqtay ogalaanshaha Lagu dhisayo dekedda lughaya oo markii hore ay xukuumaddu iyo masuuliyiinta dekeddu isku afgaran la’aayeen.
Isku soo wada duuboo iyadoo xaaladuhu halkaa marayaan ayaa waxa maanta galinkii dambe soo gaadhay magaalada Borama wafti ballaadhan oo uu horkacayo wasiirka wasaarada difaaca Axmed Xaaji Cali Cadami , waxana ku wehelinaya wasiirada wasaaradaha, Duulista iyo hawada, Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka Xidhiidhka Golayaasha cilmi baadhista iyo Tegnolojiga, Caali Xaamud Jibriil, Wasiirka Boostada iyo isgaadhsiinta, Maxamed Jaamac Abgaaal, iyo Wasiir kuxigeenka wasaarada qorshaynta iyo qaar ka mid ah golaha guurtida
Inkasta oo aanay waftigu wali warbaahinta lahadlin ,hadana waxa muuqata in socdaalkoodu uu daaranyahay xalinta arimaha suldaanka sheegay inuu ka goostay Somaliland.
Waxana ilo ka ag dhow dhow waftigu ay tibaaxayaan in hada uu socdo shirar gooni gooni ah oo ay waftigu la leeyihiin maamulka gobolka iyo degmada shirkaasi oo saxaafadu ay dibad joog ka yihiin.
Gobanimonews