Raxmaadkii Alle Oo Maansheeyey Gobollada Galbeedka Khasaare Soo Gaadhay Dalag Iyo Dhul-beereedyo Ku Yaalla Degaanka Xaliimaale
Boorama (Hubaal) – Wararka ka imanaya degaanka Xaliimaale oo hoos yimaadda maamulka degmada Boon ee gobolka Selel, ayaa sheegeya in roobab mahiigaan ah oo labadii casho ee u dambaysayba ka da’ayey dhulkaasi khasaare gaadhsiiyeen dhul-beereed ku yaalla halkaasi.
Sida uu Weriyaha Wargeyska SAXAFI ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, u sheegay haydh tuulaha degaankaasi, laguna magacaabo Saleebaan Xasan, waxay daadku qaadeen, dalagyo u badan geed midhood 25kii sanadood ee u dambeeyeyba halkaasi ka baxayey, khudaar iyo dalag kale, kadib markii daad ka soo rogmaday roobakaasi jebiyeen derbiyada dooxaas halkaasna uu ku qaaday mishiinadii iyo agabkii beeraha ee dadka degaankaasi noloshoodu ku xidhnayd.
Sida warku sheegayo roobabkan oo aan hore loo arag xooggoooda, ayaa sidoo kale kala xidhay gaadiidkii u kala gooshi jiray gudaha Somaliland iyo Djibouti gaar ahaanna Boorama iyo Djibouti, tobannaan gaadiidka xammuulka ah iyo kuwa yaryarka ah ee rakaabkuna ku xanniban yihiin daafaha dooxahaasi, iyadoo ay dadkii rakaabka ahaana halkaas dhibaato ku haysato, lamana sheegin wax gurmad oo dadkaasi iyo khasaaraha beerahaasiba soo gaadhayba uga gurmaday maamulka magaalada Boon oo degaankaasi hoos yimaaddo iyo cid ka hadashay toona.