Hargeysa(Horweyn)Kumanaan qof oo bulshada Somaliland ah, ayaa saaka waaberigii isugu soo baxay Masajidada Waaweyn, Garoomada Kubada iyo goobaha banaan ee Magaalooyinka waaweyn ee dalka, si ay u oogaan Salaada Ciida Adxa.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa munaasibada Ciida kula tukaday saaka Boqolaal qof Masjidka weyn ee Masjid Jaamaca Hargeysa oo ku yaal xarunta Dawlada Hoose ee magaalada Hargeysa. Salaada ka dib Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu hadal kooban oo uu ka jeediyay Masjidka ugu hanbalyeeyay shacbiga Somaliland iyo muslimiinta dunidaba munaasibada Ciidal Adxa.