Addis-Ababa ((Hubaal)- Raysul Wasaare Hailemaraim Desalegn ayaa ku dhawaaqay gollaha wasiirada ee xukuumadiisa cusub, isla markaana xubnaha uu magaacabay ayaa u badan wasiiro ama siyaasin dawladii hore ka mid ahaa. Waxaayabaha ugubka ah waxaa ugu horeeya tirada wasiirada oo tii hore ka badan, isla markaana wasaarado hore ayaa la kala jabiyey kuwo cusubna waa la magaacabay. Ra’isulwasaaraha ayaa magaacabay 26 wasiir iyo jagooyin u dhigma wasiiro. Wasiirka ugu caansan ee jagadiisii waayay ayaa ah Sufiyaan Axmad oo ahaa wasiirkii maaliyada iyo dhaqaalaha. Ninkan ayaa 23-kii sano ee la soo dhaafay jagaaoyin kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii EPRDF, Waxaana haatan lagu bedalay Cabdulcasiis Maxamad oo ahaa madaxweynihii hore ee Oromiya. Kassa Tekleberhan ayaa loo magaacabay wasaarada arrimha kililada iyo hourumarinta xoolo-dhaqatada. Wasaaradan ayaa inta badan si dadban u xukunta 4-ta kilil ee dib u dhacsan kuwaas oo kala ah, Soomaalida, Canfarta, Gambeellaha iyo Binshangulka. Wasiirka ayaa lagu tilmaamaa dadka aadka u daneeya la dagaalnka musuqa iyo dawlad xumida. Ridwaan Xuseen oo horey u ahaa afhayeenka dawlada ayaa loo magacaabay wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada, halka Getechew Reda loo magaacabay booskii hore ee Ridwaan kaaso ahaa madaxa xafiiska dhanka xidhiidhka ee dawlada. Wasaarada biyaha iyo waraabka ayaa loo magaacabay wasiir cusub oo lagu magaacabo Motuma Meqassa. Haweenay ka soo jeeda gobolka Canfarta oo lagu magacaabo Eng. Caasha Maxamad ayaa loo magaacabay wasaarada dalxiiska iyo dhaqanka. C/fatax sh Cabdullahi ayaa ah wasiirka keliya ee qoomiyada Soomaalida metala ee ku jira wasiirada jagooyinkoodii loo daayay. Qoomiyada Oromada oo ah ta ugu badan dalka ayaa heshay 9 xubnood oo golaha wasiirada cusub ka mid ah, halka qoomiyada Axmaaradu gudoontay 7 wasiir. Qoomiyada Tigreega ayaa iyaduna qayb u heshay 4 wasiir. Qoomiyadaha ku bahoobay shucuubta koonfureed ayaa iyagana loo qoondeeyey dhawr wasiir oo uu ku jiro ra’isulwasaaruhu, halka Qoomiyado ay ka mid yihiin Canfarta iyo Soomaalidu ay ka heleen min hal wasiir. Hase yeeshee waxa la sheegay inay hadheen wasiir ku xigeeno. Magacyada wasiiradda wax aka mid ah;
Mudane Siraj Fegesa Wasiirka Wasaarada Difaaca Qaranka;
Mudane Dr. Tedros Adhanom Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada;
Mudane Kassa Tekleberhan Wasiirka Wasaarada Arimaha Federalka iyo Horumarinta Miyiga;
Mudane Getachew Ambaye Wasiirka Wasaarada Cadaalada;
Mudane Abdulaziz Mohammed Wasiirka Wasaarada Iskaashiga Maaliyada iyo Dhaqaalaha wuxuu horay u ahaa madaxwayne kuxigeenka deegaanka oromiya;
Mudane Tefera Deribe Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah;
Mudane Sileshi Getahun Wasiirka Wasaarada Khayraadka Xoolaha iyo Kaluunka;
Mudane Ahmed Abitew Wasiirka Wasaarada Warshadaha;
Mudane Yacob Yolo Wasiirka Wasaarada Ganacsiga;
Mudane Abiy Ahmed Wasiirka wasaarada culuumta iyo Tiknolojiyada;
Mudane Workneh Gebeyehu Wasiirka wasaarada Gaadiidka;
Mudane Mekuria Haile Wasiirka wasaarada Horumarinta Magaalooyinka iyo Guriyeynta;
Mudane Dr. Ambachew Mokennen Wasiirka wasaarada Dhismaha;
Mudane Motuma Mekasa Wasiirka wasaarada Biyaha Waraabka iyo Korontada;
Mudane Shiferaw Shigute Wasiirka wasaarada waxbarashada;
Mudane Tolosa Shagi Wasiirka wasaarada Macdanta Batroolka iyo Gaaska Dabiiciga ah;
Mudane Dr. Keseteberhan Admasu Wasiirka wasaarada Caafimaadka;
Mudane Abdulfetah Abdulahi Wasiirka wasaarada Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada;
Marwo injineer Aisha Mohammed Wasiirka wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska;
Marwo Zenebu Tadesse Wasiirka wasaarada Haweenka iyo Caruurta;
Mudane Dr. Shiferaw Teklemariam Wasiirka wasaarada Bay’ada Horumarinta Kaymaha iyo isbadalka Cimilada;
Mudane Redwan Hussein Wasiirka wasaarada Dhalinyara iyo Cayaaraha;
Marwo Demitu Hambisa Wasiirka wasaarada Shirkadaha