Wakaaladda Wararka Ee Itoobiya oo Baahisay Qoddob Lagaga Wada-xaajooday Kulanka uu Abby Ahmed La Qaatay Hoggaamiyeyaashan
Addis ababa(Hubaal)- Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shalay la shiray 81 hoggaamiye ee xisbiyada mucaaridka dalkaasi, kuwaasi oo qaarkood ay Itoobiya dib ugu soo noqdeen markii ay muddo dibadda ku noolaayeen. Siday werisay wakaallada Itoobiya ee ENA, waxa kulanka uu Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed la shiray ay ka wada hadleen dib u habaynta iyo isbeddelka dalkaas ka dhacay, gaar ahaan sidii loo hirgelin lahaa nidaamka dimuqraadiyada Itoobiya. Warku wuxuu intaas ku daray in Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya uu kala xaajooday hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka dib u habaynta xeerarka doorashooyinka iyo sidii doorashooyinka waddankaasi u noqon lahaayeen qaar u qabsooma si xor iyo xalaal ah.
Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu bogaadiyey cidkasta oo kaalinka geysatay casriyeynta iyo ballaadhinta Cusbitaalka, isaga oo si gaar ahna farriin ugu diray guud ahaan dadka reer Sanaag ee aqoonta caafimaad bartay, waxana uu yidhi,