Muqdisho(Hubaal):-Raysalwasaaraha Somalia Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ka fal celiyey socdaalka ay Somaliland ku joogaan odayaal dhaqameedyo ka yimi magaalada muqdisho ee caasimada dalka la dariska ah Somaliland ee Somalia
Mr. Cabdiweli, oo ay shabakadda wararka ee Sabahi Online, waraysi la yeelatay, wuxuu sheegay in socdaalka odayaasha dhaqanka Somaliya ay ku yimaadeen Somaliland uu qayb ka yahay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya. “Waxa jira dedaalo badan oo socda oo ku saabsan sidii heshiis looga gaadhi lahaa arrinta somaliland, madaxdhaqameedkuna waxay ka mid ahaayeen dedaaladaas. Waa madaxdhaqameed wadankoodii tagay oo booqanaya dadkoodii kalana xaajoonaya midnimada Somaliya.” Sidaas ayuu yidhi Raysalwasaaraha Somaliya oo la su’aalay inuu ka warbixiyo 45-ka oday dhaqameed ee ka socda Somaliya ee tagay Somaliland.
Raysalwasaaraha Somaliya, waxa la weydiiyay bal I nay jiraan qorshe ay madaxdhaqameedka Somaliland iyaguna ku booqanayaan magaalada Muqdisho ee Somaliya, waxaanu ku jawaabay, “Waa wax furan, waanan rajaynaynaa inay yimaadaan, laakiin wakhti xaadirkan ma jiro qorshe noocaas ahi.” Waxa kale oo Mr. Cabdiweli, la su’aalay xidhiidhka ka dhexeeya dawladooda iyo maamulka Puntland, waxaanu yidhi, “Dadka Somaliyed waa isku mid, mana kala maqnaan karaan. Puntland waxaan booqanayaa 23-ka bishan May. Waxaanu leenahay xidhiidh fiican oo madaxweynaha Puntland wuxuu yimid halkan [Muqdisho], waanay ka qayb qaataan hawlaha aanu wadno.”