Reer Ab-daal Iyo Gobolka Saaxil Ma Tuullo Lagu Shaqaystaaba, Ileyn Xaqoodi Haday Daba-Galaan Kummay DamBaabeene?
Sidaa aad ka wada-war qabtaan waxaa maal-mahan xukuumadda uu madaxweyne siilaanyo gadh-wadeenka ka yahay ay wadday dhaq-dhaqaaq-yo siyaasadeed kuwaaso u ku ee keeyey deegaanka ab-daal.goobtaas oo la isaagu yeedhay wax-garaadka deegaanka iyo cuqaal tiro,badan iyaaddo oo lagu af-gobaad-sanaayo waxaa la idiin sammaynayaa xeerar reero ah kuwaaso aan sal iyo raad-toona lahayn balse ujeedaada laga leeyahay ay tahay oo keliya in cod laga hello deegaanka ab-daal oo hoos yimmaadda gobolka saaxil oo u kasoo jeeddo musharaxa xisbiga cadaaladda iyo daryeelka Ucid .
Hadaba aan usoo dhaadhaco dulucda maqaalkan.akhriste waxaad ka war-haysaan in aanay deegaanka ab-daal lahayn haba-yare saamiga ay xaqqa u leedahay ee ka rabtay xukuumada tallada haysaa,sidaa wasiir ama ku xigeenno,agaasimayaal.taaso aanay kala sinneyn deg-mooyinka kale ee dalka.
Tan iyo wakhtigii ay xukuummadda siilaanyo jirto ayaaney wali ka fulin hal-mashruuc,iyaddo aanay deegaankaasi lahayn,kaabayaasha asaasigga ah ee nolosha sidaa cisbitaallo,school,biyo nadiif ah. Isaago deegaanku yahay mid xeeb ah oo aan lahayn laydh .taaso oo ay adeg tahay sidaa lo xamuullo nolosha deegaankaas . Isla markaasna aanay deegaanka ab-daal lahayn cid xaqooda u dooda sidaa deg-mooyinka kale iyo khayrkood-ba.
Hadaba reer ab-daal waxaan leeyahay. Reer ab-daal waxaan leeyahay lacagta la idiin qaybiyeey,calooshiina ha gashee caqligiina-yeey-gelin.
Maanta siilaanyo ugama fadhiinno xeer u inoo sammeyo iyo wax kale oo ay inoo qabaato xil-quudheedna umma baahniin.
Qalinkii
Dr,Keyse Yaasin Daa”uud
Tel:4114320
Hargeisa/Somaliland