Reer Awdal Oo Dhoollatus Culus Ku Qaabilay Axmed Muumin Seed Iyo Mawjado Taageero Ah Oo Farriin U Diray Guddoomiye Cirro

0
22

dhoolatus-taageero

Garabka Toosinta Iyo Caddaaladda Xisbiga WADDANI Oo Shalay Halkaas Gaadhay

Hargeysa:(Hubaal)-Dadweynaha ku dhaqan magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa soo dhaweyn taariikhda gashay oo aan hore loo arag ku qaabilay garabka Toosinta iyo Caddaaladda ee xisbiga WADDANI oo maalintii shalay halkaas tegay.

Isu soo bax ballaadhan oo lagu soo dhaweynayey garabkan uu hoggaamiya Axmed Muumin Seed, ayaa mawjado dadweyne ahi kaga  hor yimaadeen dhinaca bari ee magaalada Borama, waxana ay  iyaga oo lugaynaya sii qaadeen jid-weynaha badhtamaha magaalada mara, iyaga oo ugu dambayntiina isku shubay gegida kubadda cagta ee Xaaji Daahir Studium, halkaas oo masuuliyiinta garanka Caddaaladda iyo Toosintu khudbado kala duwan dadka uga jeediyeen.

Soo dhaweynta magaalada loogu sameeyey garabka Toosinta iyo Caddaaladda ee xisbiga WADDANI, ayaa si weyn looga dareemay magaalada, waxana inta badan shacabka reer Boorama si mug leh u muujiyeen inay taageero hiil iyo hooba leh u hayaan garabkan katirsan xisbiga WADDANI oo ka cadhooday shirkii golaha dhexe ee xisbigaasi dhawaan qabsaday.

Sidoo kale soo dhaweeyayaashan maalintii shalay magaalada Borama ruxay, ayaa ujeeddadoodu salka ku haysay sidii ay u muujin lahaayeen cududda ay ku leeyihiin magaalada Borama, maadaama oo uu guddoomiye Cirro hore u muujiyey saluugga uu ka qabo taageerada uu guddoomiye Seed ku dhex leeyahay magaalada, taas oo aakhiirkii keentay in labada masuul ee muddada badan tacabka soo wada geliyey xisbiga WADDANI kala irdhoobaan.

Reer Borama oo maanta ku hayey deelqaafkii guddoomiye Seed ay reer WADDANI u geysteen, ayaa u ballansanaa inay is muujiyaan, waxana ay iyaga oo sida mawjadaha u soconaya qarqiyeen isu socodkii magaalada, iyaga oo  aakhirkii isku shubay garoonka kubadda cagta oo khudbado kala duwan ay masuuliyiintu ugu jeediyeen, waxana ay si weyn ugu mahadnaqeen taageerada laxaadka leh ee ay muujiyeen.

Xubnaha weli quud-darraynaya taageerada xisbiga WADDANI ee magaalada Borama, ayaa maalintii shalay marag ka ahaa mawjadaha ay garabka Toosinta iyo Caddaaladdu ku dhex mushaaxayeen magaalada, waxana ay taasi ku abuurtay cabsi iyo niyad-jab la xidhiidha taageerada xisbigaasi ku leeyahay Borama.

Madaxda garabka Caddaaladda iyo Toosinta ee xisbiga WADDANI oo dadkweynihii soo dhaweeyey halkaas hadallo uga jeediyey, ayaa si maamuus leh ugu mahad celiyey, waxana ay si wada jir ah u sheegeen inay talada taageerayaashooda meel ku wada degi doonaan.

Xisbiga WADDANI, ayaa dhawaan shaaciyey inay xisbiga ka caydhiyeen guddoomiye-ku-xigeenka koowaad xisbigaas, ahna guddoomiyaha garabka Caddaaladda iyo Toosinta Md. Axmed Muumin Seed, iyaga oo ku eedeeyey inuu xeerarka xisbiga baal maray, balse guddoomiye Seed, ayaa arrintaas ganafka ku dhugtay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here