“Haddii aanu dawladdii nahay cidna u daba fadhiisan mayno, ciddii is hortaagta Waddadaas tallaabo sharciga waafaqsan baanu ka qaadaynaa, wixii dan guud ahna haddii ay kun qof u qudh-baxayso marnaba yeelimayno.”Maayar Maydhane.
Hargeysa:(Hubaal)-Muran iyo doodo adag, ayaa ka taagan waddo isku xidhi doonta magaalooyinka Berbera iyo degmada Boon ee gobolka Awdal, taas oo dhawaan xukuumaddu halkaas ka bilowday.
Waddadan oo la doonayo inay mustaqbalka isku xidho Borama iyo Djibouti, ayaa waxa ay dhan tahay 43KM, waxana gacanta ku haysa hay’adda waddooyinka gobollada Awdal iyo Salel ee ASARDA, balse wax aka horyimi dadka deegaanada ay sii dhexmari doonto, kuwaas oo ku doodaya inay beero iyo dhul ay is u leeyihiin goosanayso.
Wararka ka imanaya gobolka Awdal, ayaa sheegaya in dad shacab ah oo deegaanada waddadu marayso ku nooli dagaal la galeen shirkadda waddada dhisaysa iyo shaqaalaheeda, isla-markaana ku hanjabeen inaanay dariiqaas sinaba ku oggolaan doonin.
Maamulka gobolka oo ay horboodayaan Badhasaabka, maayarka iyo waliba taliyaha qaybta booliska oo kaashanaya odayaasha iyo waxgaradka deegaanada waddadu mari doonto, ayaa shir ballaadhan ku qabtay magaalada Borama, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo isku dayda inay waddadaas hor istaagto.
Maayarka degmada Borama Md. Maxamed Xuseen Maydhane oo warbaahinta la hadlay, ayaa shaaca ka qaaday in dhismaha waddadaasi faa’iido badan u yeelan doonto gobolka, isla-markaana ay dagaal la geli doonaan ciddii carqaladaysa,“Waxanu waa wax umaddu leedahay oo ay intifaacsanayo oo horumar soo kordhinaya, haddii aanu dawladdii nahayna cidna u daba fadhiisan mayno, ciddii is hortaagtana tallaabo sharciga waafaqsan baanu ka qaadaynaa, wixii dan guud ahna haddii ay kun qof u qudh-baxayso marnaba yeelimayno.”ayuu yidhi Maayar Maydhane.
Waddada isku xidhi doonta magaalooyinka Borama iyo Djibouti, ayaa si weyn looga hadal hayaa magaalada Borama, waxana haatan carro-tuulkii la dhigay1-kii KM ee ugu horreeyey, balse waxa soo baxaya diidmo xooggan oo dadka qaarkiis kala hortageen, kuwaas oo lexejeclo xagga dhulka ahi hayso.