“Reer baa xidhan ee horta shaqsi ma xidhna, mar haddii guddoomiyaha dhalinyarada Subeer Awal xidhan yahay”

0
45

“Saleebaanoow Fidmada maanta Somaliland ka taagan adigaa laguu tirinayaa, Adigaa soo abaabulay”Suldaan sabeyse
“Hadalada dhiifta leh dadka ku hadlaya ee ay Cabdiraxmaan Cirro xigaalka yihiin, waxaanu leenahay nin waliba hadduu yidhaahdoCirro beri buu igu joogsaday ee maanta aan naaraha u diro…” Suldaan sabeyse
“Reer baa xidhan ee horta shaqsi ma xidhna, mar haddii guddoomiyaha dhalinyarada Subeer Awal xidhan yahay” Suldaan sabeyse

“Doorashadu Way Dhacaysaa Iyo Dhici Mayso Ayaa Cabdiraxmaan Cirro Lagu Eryanayaa”

Hargeysa, (Hubaal) -Madax dhaqameed iyo Aqoonyahano reer Hargeysa ah, ayaa shalay shir saxaafadeed oo ay ku qabteen caasimada kaga hadlay xadhiga Gudoomiyaha jiidali, xiisada iyo khilaafka golaha wakiilada iyo guud ahaan xaalada dalka.
Madaxdhaqameedka shirka ka hadlay waxaa ka mid ahaa Suldaan Mowliid Cali Sabayse, waxaanu hadalkii uu halkaa ka jeediyay ku bilaabay sidan, “Caddaalad-darro ayaa ka dhacday caasimada Hargeysa.Waxa buddhig u ahaa gudoomiyaha Dhalinyarada Subeer Awal ee Jiidali oo caddaalad daro lagu xidhay.Reer baa xidhan ee horta shaqsi ma xidhna, mar haddii guddoomiyaha dhalinyarada Subeer Awal xidhan yahay.Cida xidhatay hada faraha ha ka qaado.Saleebaanoow, adiga iyo Siilaanyo sharciga markaad ku tumataan, cidda sharciga ilaalinaysa ma garanayo” wuxuu intaa sii raaciyay oo uu yidhi,“Caddaalad daradii maalintii dhawayd dhacday ee golaha wakiilada ee la soo doortay, ee 82-ka muddane ee karaamada Somaliland ku dhan tahay, intaad 500 oo askari ku rogtay, taayirka ha la mariyo aad tidhi, cida aad u tuhmaysay in ay taageero ka helayaan ee deegaanka Hargeyska lafdhabarta u ahaa, hadaad dhalinyaradooda gudoomiyahoodii aad xidhay, ma yeelo.”
Suldaanku waxa kale oo ka hadlay hawlgalkii guriga lagaga saaray mulkiilaha Horn Cable Tv Farxaan Xaaji Cali, waxaanu yidhi, “Farxaan Xaaji Cali waa reer Hargaysa, dad baa ka xanaaqa lafdhabartaanu nahay, dekeda iyo Kala-baydhna anaga leh, intay cudurka ku noqotay waxaan leeyahay, waa mid jirtoo la isaga soo kacayn.Markaa Farxaan in caruurta dibada loo dhigo, oo uu qaxooti Hargeysa ku noqdo, yeeli mayno.Aqal nin laga soo tuuraa, nin laga soo tuuruu leeyahay, adeer sharcigii Somaliland ku heshiisay waa lagu tumanayaa oo yeeli mayno.”
Suldaan Sabayse mar uu ka hadlayay khilaafka golaha wakiilada wuxuu yidhi ,“Golaha Wakiiladu Somaliland ayay ka wakiil yhiin,sharci baay ku yimadeen ,maanta waxa la isku hayo waanu ognahay, doorashadu way dhici iyo dhici mayso ayaa Cirro lagu eryanayaa, haddii Cirro dambi leeyahay ama reerkiisu dambi leeyihiin, oo Somaliland duminayaan anagaa u jawaabayna oo ka qabanayna, laakiin Saleebaanoow,Adiga iyo Siilaanyo iyo inamada aad Adeerka u tihiin, inaad dumisaan dalka, la idinka yeeli maayo, reerkii Reer u bukaana isagaa dee banaanka ugu bixi doona”.
“Hadalada dhiifta leh dadka ku hadlaya ee ay Cabdiraxmaan Cirro xigaalka yihiin, waxaanu leenahay Cabdiraxmaan Cirro hadduu sharciga ku tumanayo in aynu qabanaa waa waajib, laakiin nin waliba hadduu yidhaahdo beri buu igu joogsaday ee maanta aan naaraha u diro, cawaaqib xumay keenaysaa, taana tolnimada waa looga fiican yahay baan leeyahay”.
Suldaanku isagoo mudanayaasha wakiiladda la hadlaya wuxuu yidhi,“Xukuumadu inay wax qabato waynu u dooranay, cashuurta ay wax ku qabanayso inagaa bixinay, oo dadka muwaadiniinta ah ee Reer Somaliland baa bixiyay. waxa aad iyo aad u mudan, ninka libintiisa lagama qariyee Sagaalkii Mudane ee Golaha ka baxay, nimankaasi Somaliland way badbaadiyeen baal dahab ah baana ka taagan, waanan u qiraynaa.Xildhibaanada la soo doortay ee cashuurtii dadkooda laga qaaday lagu shukaaminayo ee dalka lagu duminayo, waxaanu leenahay ka daaya adeerayaal, Anagaa idin soo dooranay eeidinmay soo dooran qoladan imika Madaxtooyada ku jirtaa. Siilaanyana Ummadaa soo dooratay, idinkana Beelaha ayaa soo doortay, shacrciyada dalka inaad dhamaystirtaan ayaa la idiin doortay, inaad wax ka badashaan, waxna ku dartaan baa la idiin doortay,cashuurtii Islaamaha bacadka jooga laga qaaday in la idinku shukaansado badhkiina lagu tunto idinkaa sababay baanu leenahay Golaha Wakiilada”.
Wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi Suldaanku, “Saleebaanoow, fidno iyo masiibo ha ku noqon, Sheekh Ibraahim markuu kursigaaga fadhiyay, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal markay cid is qardoofaan wuu qaban jiray, laakiin fidmada maanta Somaliland ka taagan adigaa laguu tirinayaa, Adigaa soo abaabulay, waxaanu leenahay halaga noqdo. Wixii sadexda xisbi, komishanka iyo Madaxweynuhu saxeexeen ee doorashada ku saabsanaa hala fuliyo, oo halaga daayo doorashada walaaqa maalin ma ogolin in lagu daro”
Dhinaca kale shirkaa waxa kale oo ka hadlay, sul. Shariif, Sul. Ibraahim Sulub iyo xubno kale oo dhamaantoodba dawladda ku canaantay xadhiga aan sharciga ahayn ee dadka layska xidho iyo xaaladda dalka laga abuuray oo ay ku eedeeyeen xukuumadda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here