“Reer Berberoow Naaskaas Aad Awalba Jaqayseen,Immikana Weydun Haysan Doontaan Oo Wallaahi Baan Cidi Idinka Qaadayn’e…”

0
34

Salaadiinta Gobolka Maroodi-jeex Oo Taageeray Codkii Uu Golaha Wakiilladu Kalsoonida Ku Siiyey  Heshiiska DP World

DP WORLD, Dubai, United Arab Emirates, May 10, 2007 (Photo by Nemanja Seslija/ITP Images)

Hargeysa (Hubaal)- Salaadiinta, Cuqaasha, madaxda dhaqanka iyo waxgaradka reer Somaliland gaar ahaanna gobolka Maroodi jeex ayaa shalay shir ay warbaahinta ugu qabteen magaallada Hargeysa waxaa ay kaga hadleen heshiiskii shirkadda Dp World ee xukuumadda Somaliland ay hordhigtay isla markaana meel mariyeen golaha wakiilladu dhawaan. Salaadiintan oo ay kamid yihiin Suldaanka Guud ee beellaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi,  iyo odayal kale oo kamid ah waxgaradka dhaqanka ee Somaliland ayaa farriiimo kala duwan u diray cid kasta oo ay arrinta dekedu khusayso. “Kulankan ay isugu yimaadeen salaadiinta gobolka Maroodi jeex, Koonfurta, Bariga, Galbeedka , Waqooyiga iyo badhtamaha Gobolka MAroodi Jeex waxaa uu ku saabsan yahay taageerida hotumarka dekedda Berbera  ee ay ansixiyeen golaha baarlamaanka Somaliland, waanu soo dhawaynaynaa arrinkaas, dawladda waanu ku taageersannahay heshiiska ay Dp World la gashay”.  Sidaa waxaa yidhi mid kamid ah madax dhaqameedka madasha ka hadlay shalay.

“reer Berbera WAxaan leeyahay Naaskaas aad awalba jaqayseen la goyn maayo ee waydun haysan doontaan uune, haddaad is leedihiin billoo cidi idinka qaadaa, wallaahi baan cidi idinka qaadayn laakiin waxaad yeelaysaan Madaxweynaha isagaynu siinay kalsoonida oo uu inna metelayaa waxaa la innooga baahan yahay qaraar kasta oo ay keenaan xukuumad ahaan cid baa ka eegta oo waa sharci dejinta,sidaasi darteed maadaama oo uu baarlamaankii ansixiyey dee idinkuna waa inaad is garab taagtaan”. Sidaa ayuu yidhi Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cbdiqaadir Suldaan Cabdillaahi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here