Reer Burco Oo Khaati Ka Taagan Sicir-barar Ku Habsaday, Xukuumaddana ugu Baaqay Inay Fuliso Go’aamadii Madaxweynaha

0
31

burco

Burco:(Hubaal)-Inta badan meheradaha gaarka u ah ganacsiga heerkiisu hooseeyo ee magaalada Burco, ayaa albaabada loo laabay, waxana ay dadweynaha meheradahaas iska lihi cabasho weyn ka muujiyey sare u kac aan xad lahayn oo ku yimi qiimihii lacagta dollar-ka.

Kacdoon aan heerkiisu sarraynin oo ay dadweynaha meherahaas ku leh magaalada Burco shalay sameeyeen, ayey warbaahinta ugu sheegeen inay ku jaah-wareereen iibka magaalada ka jira, isla-markaana uu xidhiidhi galay helitaanka dollarka oo ay shuruud ka dhigeen ganacsatada waaweyn ee albaabta ay ganacsatadan yari iibiso iyagu gacanta ku haya.

Dadweynaha mudaharaadaya, ayaa sheegay inay la’ yihiin qiime go’an oo ay ugu hagaagaan lacagta dollarka, isla-markaana ay ku adkaatay inay alaabta ay iibinayaan u sameeyaan qiime go’an.

Bulshada jeebkoodu hooseeya ee ganacsatada oo isku soo baxay, ayaa socod lug ah ku galay xarunta badhasaabka gobolka Togdheer, waxana halkaas kula kulmay guddoomiye-ku-xigeenka gobolka Md. Maxamed DiiriyeXayd, kaas oo si hufan ula hadlay, isla-markaana u sheegay inay maamul ahaan arrintaas wax ka qabanayaan.

Guddoomiye Xeyd, ayaa qiray jiritaanka dhibaatada ay shacabka reer Burco ka cabanayaan, waxana uu ganacsatada waaweyn iyo sarrifleyaashaba ugu gooddiyey inay u hoggaansamaan go’aankii madaxweynaha, isla-markaana hoos u eegaan shacabkooda taagta daran ee ay ku tacaddiyayaan.

Shacabka reer Burco ee cabashada ka muujiyey sicir-bararka iyo kor u kaca lacagta Dolar-ka, ayaa hay’adaha kala duwan ee xukuumadda ugu baaqay inay wax ka qabtaan fulin la’aanta haysata amarkii madaxweynuhu dhawaan kasoo saaray arrimaha sicir-bararka, iyaga oo farta ku fiiqay in haddii ay awaamiirtaasi fuliweydo uu dhaawac weyni gaadhi doono qaranimada dhiigga badan loo daadiyey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here