Guddoomiyaha KULMIYE Oo Ka Qaxweeyey Makhaayad Bar Kulan U Ah Qaybaha Bulshada Oo Ku Taalla Badh-tamaha Magaalada+Xiisaha Kaftan Ku Dhereran Hoggaaminta KULMIYE Oo Dhex Maray Isaga iyo Dadweynaha
Burco (Hubaal)- Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi Ayaa aroornimadii hore ee maalintii shalay si lama filaan ah loogu arkay isaga oo dhex mushaaxaya badhtamaha magaalada Burco. Warbaahinta maxalliga ah ayaa baraha internetka shalay ku baahiyey guddoomiye Muuse Biixi oo oo dhex lugaynaya suuqyada Burco, isaga oo markii dembena u qaxwe tagay Maqaaxi bar kulan u ah bulshada oo ku taalla badhtamaha Burco taas oo ka mid ah goobaha inta badan ay bulshada qeybaheeda kala duwani u shaah tagaan xiliyada gelinka hore iyo gelinka dambe. Gudoomiyaha Kulmiye Md, Muuse Biixi oo ay weheliyaan Siyaasiyiin , Aqoonyahan , Waxgarad iyo Dhalinayaro u dhalatay degaanka G/Togdheer, ayaa muddo saacado ah si kalsooni ku jirto socod luga ku maray suuqa faras-magaalaha Burco, waxaana intii uu qaxweynayay uu si gacaltooyo leh u gacan qaadayay dadweynihii meesha fadhiyey. Tallaabadaan wanaagsan ee uu qaaday Gudoomiyaha Kulmiye Md, Muuse Biixi Cabdi ayaa muujinaysa nidaamka iyo nabad-gelyada wanaagsan ee ka jirta gudaha Somaliland iyo sida looga tageersan yahay halkaasi.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye booqashadan shalay uu Magaalada Burco ee ku tagey maqaaxiyaha, iyo dukaamada faras-magaalaha Burco ayaa ay dadweynaha Burco aad ugu riyaaqeen isla-markaana Kaftan iyo Su,aalo isugu Jira ay ku dhex mareen isaga iyo Qaar kamida qaybaha kala duwan ee ay ka koobantahay bulshada magaalada Burco, iyadoo uu gudoomiyuhu dhamaantood si faahfaahsan uga jawaabiyey su,aalihii ay dadweynuhu halkaasi ku weydiyeen, sidoo kale Gudoomiyuhu waxuu dadweynahaasi ay kulmeen u cadeeyey inuu yahay Musharaxa xisbiga Xisbiga Kulmiye ee beddeli doona madaxweyne Siilaanyo, Isla markaana Bulshada G/Togdheer uga baahanyahay tageero balaadhan oo la baaxada tii uu helay Madaxweyne Siilaanyo waqtigii doorashada, haddii la doortana uu yahay nin ku hagi-doono dalka siyaasaddii loo wada dhan yahay. Dadweynahaasi uu la kulmay Gudoomiye Muuse Biixi , ayaa dhamaantood muujiyay una cadeeyey taageerada ay u hayaan uuna ku bushaarayso inuu tageero balaadhan Gobolka ka helaayo , cida keliya ay codkooda siinayaana yahay Gudoomiye Md, Muuse Biixi Cabdi , islamarkaana waxay balan-qadeen inay markasta ay taageersan yihiin, kalsooni weyn oo ay ku qabaan howlaha horumarka ay umadda u hayaan xukuumadda iyo Xisbul Xaakinka Kulmiye.
Kormeerka uu Gudoomiyaha Kulmiye ku tagey Suuqa Burco, ayaa qayb ka ahaa kormeer ballaaran oo weftiga Madaxweyne Siilaanyo ay ku mareyeen Goboladda bariga S/land ,gudoomiyaha ayaa booqasho lugta ku tagay farasmagaalaha Burco, waxuu doonayey si uu indhiihiisa ugu soo arko sida uu ganacsiga uu magaaladu u socdo , isagoo lug ku soo dhex maray suuqyada waaweeyn ee magaalada Burco , isagoo ganacsatada weydiinayay sida uu u socdo ganacsigoodu.
Dadka ku dhaqan magaalada Burco ayaa si weyn u soo dhaweeyay, kuna farxay booqashada gudoomiyaha Kulmiye, iyagoo ugu warbixinayay sida u yahay ganacsiga magaalada iyo sida ay u tageersanyihiin hawlaha horumarka ee ka socda magaalada, dadweynaha ayaa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi u sheegay inay si weyn u taageersan yihiin markasta, isla markaana ay u rajeynayaan in la gaadhay wakhtigii uu dalka ka noqon lahaa madaxweyne.
Dadweynaha degaanka oo dhalinyaro u badnayd ayaa u sheegay gudoomiyaha aragtidoodda iyo ahmiyada weyn ee ay u hayaan xisbiga kulmiye, Si kastaba ha ahaatee, Booqashadini Gudoomiyaha Kulmiye ayaa dadweynihii uu la kulmay gebi-ahaantood waxay u muujiyeen tageeradda ay u hayaan Gudoomiyaha Kulmiye markasta , oo ay si hagar la,ana ula garab-taaganyihiin, iyadoo ay si wanaagsan ku soo gebo-gebowday, isla markaana farxad ku dhamaatay.
Ciise Daahir Curaate.
Hadhwanaagnews.com
Burco/Somaliland.