“Gabadh Reer Ceerigaabo ah Oo Aan Hargeysa Ku Arkay Ayaa Saluugtay Wasiir CADDAANI Iyo Wasiir CADAMI Oo Waxay Igu Tidhi….”
“Xisbiyada Waxa Aan Leeyahay; Shalaad Dhalatee Waa La Shubi Jiray….. Waa La Isu Yaallaa Oo Maalinta Foodka Ayaa La Kala Bixi Doonaaye Qabqabta Iyo Fardo Iigu Soo Baxada Joojiya”
Ceerigaabo (Hubaal):Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa digay in hawsha Diiwaangelinta cod-bixiyayaasha laga dhigo mid olole ah, waxana uu axsaabta qaarkood ku eedeeyey inay olole aan xilligiisii la gaadhin ku hawllan yihiin. Guddoomiye Faysal oo ka hadlay daah-furka diiwaangelinta gobolka Sagaan, ayaa soo jeediyey in laga digtoonaado isu soo baxyada axsaabta qaarkood ka wadaan deegaanada diiwaangelintu ka bilaabmayso, isagoo si dadbanna isu soo baxyadaas ugu duur xulay xisbiga WADDANI,“xisbiyada waxan leeyahay qabqabta iyo fardo iigu soo baxada joojiya, waa la isu yaalaa, maalinta foodkaana la kala bixi doonaaye, shalay baad dhalatee waa la shubi jirey.” Ayuu yidhi guddoomiye Faysal Cali-waraabe. Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata madashii uu hadalka ka jeedinayey si aan toos ahayn u sheegay inuu musharrax yahay, waxana uu reer Sanaag kula dardaarmay inay doorkan foodkooda siiyaan, waxana uu yidhi,“doorkan reer Ceerigaabo-ow foodka waan idiinka fadhiyaa, haddaan musharrax noqdana waxan filayaa inaad xishoon doontaan oo aydaan odayga doorkii saddexaad ridi doonin.” Faysal Cali-waraabe waxa uu sidoo kale madasha ka sheegay farriin adag oo ku socotay, isla-markaana lagu canaanayey wasiirrada gobolka Sanaag kasoo jeeda, taas oo uu sheegay inay u soo dhiibtay haweenay gobolkaas kasoo jeedaa,“Gabadh reer Ceerigaabo ah oo aan Hargeysa ku arkay, ayaa igu tidhi wasiir Cadami iyo Wasiir Caddaani waxad ku tidhaahdaa isku xishooda, waayo Ceerigaabo ayey Cisbitaal ka weyday, waxana aan hubaa haddii afartiina beelood ee reer Ceerigaabo aad midaysnaan lahaydeen inaad hablaha ciidagale ee Gaaroodi cisbitaalka ka sameeyey aad ka awood badnaan lahaydeen.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe. Hadalka guddoomiye Faysal ee la xidhiidha inuu musharrax ka yahay xisbigiisa, ayaa dareen ka dhaliyey guud ahaanba Somaliland, waxana xubnaha uu si gaar ah warwar iyo walbahaar ugu riday xubnaha kasoo jeeda garabka uu hoggaamiyo Jamaal Cali Xuseen oo iyagu diidan inuu Faysal markale saaxadda musharraxnimada kusoo laabto.