Saaxiibayaal todobaadkan aynu ku jirno waxa warbaahinta ku soo baxayey arimo ku saabsan caafimaadka siilaanyo, su’aasha is weydiinta u baahina waxay tahay mar hadii dadweynaha caadiga ah, saxaafadda madaxa banaan iyo madaxda mucaaradku aysan arag oo aysan la kulmin siilaanyo wa ayo cida waxa ka ogaan karta caafimaadkiisa oo wax ka sheegi karta caafimaadka siilaanyo.
Su’aashaasi jawaabteedu way fududahay oo marka laga reebo dhakhtar caafimaadkiisa baadhay iyo qoyskiisa cida kaliya ee xaaladiisa caafimaad wax ka ogaan karta waa wasiiradiisa oo todobaad kasta uu laba jeer la kulmo,maah maah soomaaliyeedba jirta oo tidhaahda soomaalidu waa dad Sali ku wada fadhiya oo waxba uma kala qarsoona.
Maah maah kalena waxay tidhaahdaa reer magaalku arinkiisa kaftankuu ku dhamaystaaye,qaar ka tirsan wasiirada xukuumadda siilaanyo hadii aad si gaar ah u sheekeysataan waxay kuu sheegayaan in aysan suurto gal ahayn in lagu soo daro isku shaandheyn kasta oo la sameeyo inta uu siilaanyo joogo, haddii aad weydiiso sababtana waxay kuugu jawaabayaan inay yihiin SIRI DAARI, oo ay hayaan sir culus oo hadii ay sheegaan meesha ka saaraysa madaxweynenimada siilaanyo.
Waxana jira in wasiirada qaarkood ay mucaaradka u gudbiyaan sirta xukuumadda iyo arimo ku saabsan caafimaadka siilaanyo si ay iyagu u abuuraan arimo hor leh oo abuuri kara xiisad siyaasadeed isla markaana qandaaraska difaaca danbe ee mucaaradka iyagu qaataan si ay dhaqaale ugu helaan,xilalka ay hayaana aan loga qaadin.
Waxayna wasiirada qaarkood u arkaan in siilaanyo maanta uu la mid yahay DIIN BILAA QOLOF AH, iyaguna ay uga dhigan yihiin qolaftii ku dahaadhneyd hadii uu siilaanyo sidaasi ula arki waayana oo uu xilka ka qaadana ay sheegi doonaan waxa ay og yihiin.
Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur
Tel: 4425243
Email:suudi88@gmail.com
Hargeysa/Somaliland