“Reer Muqdisho waxanu leenahay inta reer Somaliland hadhayna dila, waayo cid meel qalfoofkoodu yaallo wax u doonta lama arag….”, Faysal Cali-waraabe

0
85

faysal-cali-warabeHargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ku wiirsaday dhibaatada haysata dadka dhalaasho ahaan Somaliland kasoo jeeda eek u sugan magaalada muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, waxana uu muujiyey inaanu dank  ka lahayn dhibaatada lagu hayo.

Guddoomiye Faysal Cali-waraabe waxa uu shaaca ka qaaday inaan weli duniga lagu arag dad korodhsiimo ka raadsada meel aan naxariisi u oollin, isaga oo tusaale usoo qaatay xubno Somaliland kasoo jeeda oo dhawaan Muqdisho qaylo-dhaan kasoo dirsaday, waxana uu yidhi, “Weli aduunka lama arag dad meel meydkoodu yaallo u wax doonta, waana maqlayseen kuwii lahaa sidii South Africa ayaa meydkayaga lagu kaajayaaye diyaarado noosoo dira.”

Waxa uu guddoomiyuhu  dadka ku dhaqan Muqdisho ka codsaday inay sii kordhiyaan dhibaatada ay ku hayaan xubnaha Somaliland ka tegay ee halkaas wax u doontay, maadaama sida uu sheegay ay yihiin dad aan waxba qaadanaynin, “Reer Muqdisho waxanu leenahay inta hadhayna dila, waayo cid  meel qalfoofkoodu yaallo wax u doonta lama arag, horena xeebta Jasiira ayuu qalfookeenu u yaallay oo guryaha reer reer la inoogala baxay,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here