Reer Oodweyne Oo Cod Dheer Ku Diiday Shidaal Baadhis Mad-madow Hadheeyey Oo Wasaaradda Macdantu Deegaanadaas Ka Waddo

0
92

Wasiir Xuseen-ka Macdanta Oo Markale Ku Dhaabmay Dhiriqda Duufaannada Maamul xumo Ee Wasaaraddii Hadheeyey

reer oodweyne

Oodweyne:(Hubaal)-Shacabka ku dhaqan deegaanka Oodweyne ee gobolka Daad-madheedh, ayaa sida fiinta uga qayliyey maamul xumo ay sheegeen inay hadhaysay hawlaha shidaal-baadhiseed ee wasaaradda Macdanta iyo Tamartu halkaas ka waddo, waxana ay sheegeen inay mashaariicdaas hadheeyeen caddaalad-darro iyo eex badani.

Cuqaal iyo waxgarad kasoo jeedaa deegaankaas oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay caddaalad-darro baahsan ka tirsanayaan mashaariicda shidaal baadhista oo ay sheegeen in looga diiday xuquuqdoodii dhinaca shaqada ahayd, isla markaana la dul keenay shaqaale gobollo kale laga keenay oo ka baxsan deegaannada Oodweyne.

Shacabkan oo eedo culus u jeediyey wasiirka macdanta iyo Tamarta Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa caddeeyey inaanay ku qanacsanayn hab-dhaqanka wasiirka, isla-markaana aanu ahayn shakhsi hawsha shidaal baadhista ee qaranku ku hawllan yahay wadi kara oo ay madax-mareen eex iyo kala horraynsiin dhinaca xuquuq siinta ahi.

“Dadkii block-ga Burco ka shaqaynayey, ayuu Block-yada Oodweynena kusoo raray,1500-qof oo cagaf la gelinayo, haddana aan hal qof laga shaqaalaysiinin adduunka laguma arag, wasiirkuna wuu noo yimi oo waanu ballanay, laakiin dib noogumuu soo noqonin, waxana aanu filaynaa inuu wasiirka laftiisu kasoo horjeedo shidaal baadhista, waxana aanu leenahay madaxweyne shidaal baadhista wasiir aan joojinayn u dir, cagafyada nalagu soo raray ee nala dul dhigay ee Chinese-ku hoggaaminayaan hannalaga celiyo,” sidaas waxa yidhi mid kamid ah cuqaasha reer Oodweyne oo saxaafadda kula hadlay goob ay deggen yihiin hay’adaha shidaal baadhista ka wada gobolkaasi.

Cuqaasha iyo waxgaradka reer Oodweyne waxa ay codsadeen in cidkasta oo shaqaalaha shidaal baadhista kamid ah oo aan dhalasho ahaan gobolkooda kasoo jeedin gobolka laga saaro, isla-markaana dadka deegaanka shaqooyinka shidaal baadhista xuquuqdooda laga siiyo, marka laga tago wixii aqoon ahaan ay tahli kari waayaan.

Cabashooyinka ka imanaya shidaal-baadhista goobo badan oo dalka ah kamid ah, ayaa noqotay wax soo noqnoqotay muddooyinkii ugu dambeeyey, waxana inteeda badan loo aanaynayaa wacyi-gelin la’aan wasaaradda hawsha wadda ka timi iyo weliba maamul-xumo wasiirka laftiisa loo tirinayo oo ragaadisay arrin qaranka muhiimad weyn u leh.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here